Home Wararka Maanta Faahfaahin Ismaaciil Maxamed Cabdulle oo Si Arxan Dara ah loogu Dilay Muqdisho...

Faahfaahin Ismaaciil Maxamed Cabdulle oo Si Arxan Dara ah loogu Dilay Muqdisho iyo Ninkii Dilay oo isla Goobtii uu ku Dilay lagu Qabtay

0

Dil dad badan ka argagaxeen ayaa maanta ka dhacay degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir, waxaana dad shacab ah gacanta ku dhigeen ninkii ka dambeeyay dilkaasi, xilli uu isku dayay in uu baxsado.

Sida aan wararka ku helnay nin watay toorey dheer ayaa mar qura beegsaday goob uu fadhiyay marxuum Ismaaciil Maxamed Cabdulle oo Qaxwe Ku Cabaayay Gutigiisa Hortiisa oo kamid ahaa dadka degan Wardhiigley, ninka tooreyda watay ayaana qoorta iyo meelo kale kala dhacay mindida.

Dad goobta ku sugnaa ay ku jiraan ehelada marxuumka la dilay ayaa ku guuldareestay in ay badbaadiyaan , waxaana ninkan gacankudhiiglaha dilka geestay iyada oo dad badan ay arkayeen.

Wararka aan helnay sheegaya in dadkii goobta ku sugnaa ay qabteen ninka dilka geesteen si xuna u garaaceen, waxaana ninkaasi markii dambe loo gacan galiyay ciidamada booliiska oo ku xiray xarunta CID-da.

Wali lama oga waxa uu salka ku hayay dilkan ka dhacay degmada Wardhiigley, waxaana dadka ku dhaqan aaga dilka ka dhacay hadal hayaan falkaasi aadka looga argagayay, booliiska oo baaris ku wada ayaana laga dhoorayaa natiijada baaristooda.

Ad
Previous articleMusharraxii xisbiga talada haya oo ku guuleystay doorashada Madaxweynaha Dalka Nigeria
Next articleMareykanka iyo afar dal oo war culus kasoo saaray dagaalka Laascaanood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here