Home Wararka Somaliya Musharixiin ka tanaasulay u tartamida Aqalka Sare doorashada ka socota Garowe

Musharixiin ka tanaasulay u tartamida Aqalka Sare doorashada ka socota Garowe

0

Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland waxaa ka socota doorashada Xildhibaannada Aqalka sare ee ka imaanaya degaannada Puntland, waxaaana jira ilaa dhowr musharax oo ka tanaasulay u tartamida Aqalka sare.

22 Musharax ayaa Madaxweynaha Puntland uu soo gudbiyay, kuwaas oo ku tartami lahaa 11 kursi ee Puntland ku leedahay aqalka sare, hayeeshee waxaa tartanka isaga haray ilaa Saddex Musharax, kuwaas oo sheegay inay tanaasuleen, waxaana ay kala yihiin.

1: Hibo Isxaaq oo u tanaasushay Senator Farxaan Cali Xuseen oo Afartii sano ee la soo dhafay ka tirsanaa Xildhibaannada Aqalka sare.

2: Maxamed Geed Maxamuud  Geedo Maxamuud oo u tanaasulay  Maxamed Cabdi Cismaan [Majiino) oo hadda ah Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda  Puntland.

3: Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) ayaa u tanaasulay Kowther Cabdullaahi Xersi.

Ad
Previous articleGuddiga Doorashada oo soo saaray Jadwalka Doorashada aqalka sare
Next articleAkhriso Magacyada iyo Qabiilada Musharaxiinta u taagan Xubnaha Aqalka Sare ee Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here