Home Wararka Somaliya Guddiga Doorashada oo soo saaray Jadwalka Doorashada aqalka sare

Guddiga Doorashada oo soo saaray Jadwalka Doorashada aqalka sare

0

Guddiga hirgelinta doorashooyinka dowlad gobaleedka Galmudug ayaa soo saaray jadwalka doorashada Aqalka sare ee xubnaha galmudug ku matalaya Aqalka sare.

Jadwalka guddiga ay shaaciyeen ayaa lagu sheegay in maanta oo arbaca ah ay bilaabaneyso diiwaan gelinta musharixiinta iyo bixinta qidmadda musharixiinta.

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in beri oo khamiis ah ay dhaceyso doorashada 6-kursi oo ka mid ah 8-kursi Aqalka sare maamulka galmudug uu ku leeyahay.

Shaacinta jadwalka ayaa timid kadib markii madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor uu soo saaray liiska 12-musharax oo u taratamay 6-kursi oo ka mid ah 8-kursi ee galmudug Aqalka sare ku leedahay.

Ad
Previous articleQoor Qoor oo ku dhawaaqay Liiska Xubnaha aqalka sare
Next articleMusharixiin ka tanaasulay u tartamida Aqalka Sare doorashada ka socota Garowe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here