Home Wararka Somaliya Musharaxiinta oo war ka soo saaray Tilaabadii Farmaajo uu ku Wareejiyay Awoodii...

Musharaxiinta oo war ka soo saaray Tilaabadii Farmaajo uu ku Wareejiyay Awoodii dalka

0

Midowga Musharaxiinta oo soo dhoweeyay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu si buuxda ula wareegay maamulka doorashooyinka iyo amniga dalka, diyaar u yihiin in Ra’iisul Wasaaraha kala shaqeeyaan qabsoomida doorasho xor iyo xalaal ah, kuna dhaca waqtiga ugu dhow.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa ugu baaqay ra’iisul wasaare Rooble inuu dhexdhexaad ka noqdo arrimaha doorashooyinka,uusana la safan dhinac ka mid ah dhinacyada tartamaya.

Midowga Musharaxiinta Madaxweyanaha ayaa soo jeediyay in Xukuumadda xilgaarsiinta magacaawdo hoggaan mideyn kara Ciidanka dowladda Federaalka, maadaama ay sheegeen in Ciidamada ay u kala qeybsameen diidmada iyo difaaca muddo kororsiga sharci-darrada ahaa.

Ad
Previous articleLabo wiil oo Somali Walaalo ah oo lagu dilay Dalka Mareykanka
Next articleWafdigii ka socday Qadar oo Madaxtooyada kula kulmay Madaxda Dowladda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here