Home Wararka Maanta Musharax Madaxwayne oo maantay loo Doortay Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya

Musharax Madaxwayne oo maantay loo Doortay Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya

0

Waxaa maanta magaalada Muqdisho dib uga bilaabatay doorashada xildhibaanada golaha shacabka ku matalaya gobolada Waqooyi, waxaana goordhaw la doortay sadex kursi oo kamid noqonaya golaha Shacabka.

Xildhibaan hore Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan hada ah musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa goordhaw loo doortay in mar kale noqoto Xildhibaan katirsan golaha shacabka afarta sano ee soo socota.

 

Guddiga doorashada gobolada Waqooyi ayaa shaaciyay in Fowsiyo Yuusuf Xaaji ku guuleesatay kursiga sumadiisu tahay HOP262, kadib markii doorashada ka tanaasushay  Caasha Aadan Yuusuf oo qaab malxiis ahaan ula socotay Xildhibaanada.

Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf ayaa noqoneysa musharaxii ugu horeeyay oo u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo loo doorto kana mid noqota xildhibaanada golaha shacabka, waxaa sidoo kale jira musharaxiin kale oo iyana doonaya in Xildhibaano noqdaan.

Ad
Previous articleBaraha bulshada Caalamka ayaa marqura Waxaa qabsatay Gabar U dhalatay Dalka Ciraaq
Next articleDhalinyaro Soomaalia ah oo Saarnaa Diyaarada Turkish airline oo Weeraray Shaqaalaha Diyaarada iyo Qasaaro Kad hashay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here