Home Wararka Somaliya Galmudug Musharax alcadaala oo U Tanaasulay c.raxmaan odawaa(Sawiro)

Musharax alcadaala oo U Tanaasulay c.raxmaan odawaa(Sawiro)

0

Guddiga doorashaa Galmudug ayaa soo saaray liiska odayaasha soo xulaya ergooyinka saddex kursi oo doorashadoodu ka dhaceyso magaalada Gaalkacyo, oo uu ka mid yahay kursiga HOP#069.

Kursigan ayaa waxaa hadda ku fadhiya wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Cabdiraxmaan Odowaa, hase yeeshee waa kursiga ugu loolanka adag kuraasta taalla Gaalkacyo, ayada oo sidoo kale uu u sharxan yahay Cabdiraxmaan Al-Cadaala, oo ah wasiir ku-xigeenka warfaafinta, sidoo kalena ah gacanta midig ee ra’iisul wasaare Rooble.

Liiska odayaasha lasoo saaray ayaa u muuqda inuu dhan u riday loolankii Odowaa iyo Al-Cadaala, ayada oo Mudug24.com ay fahansan tahay in odayaasha loo xil-saaray ergo xulista ay taageersan yihiin Cabdiraxmaan Odowaa.

Sida aan xogta ku helnay, madaxweyne Qoor Qoor ayaa cadaadis xooggan kala kulmay ganacsatada iyo odayaasha beesha kursiga leh, oo la sheegay inay si aad ah u doonayaan in dib loo doorto Odowaa, taasi oo keentay in odayaal taageersan Odowaa loo xil-saaro soo xulista ergada.

Waxaa hadda la filayaa in odayaashan ay magacaabaan ergo taageersan Odowaa, taasi oo u sahleysa inuu ka adkaado Al-Cadaala.

 

Alcadaala oo ogaaday arinkaas ayaa Hoygiisa Ku Booqday C.raxmaan odowadaa asagoona Hambalyo Hordhac ah Udiray una Tanaasulay.

Ad
Previous articleGuddiga Doorashada Heer Galmudug oo Shaaciyay Guddiga Xulista Kuraasta kala ah #HOP038, #HOP095 #HOP069
Next articleHirshabeele oo Shaacisay 4 Kursi oo Mid kamid ah ay Mucaaradka iyo Farmaajo Ku loolami Doonaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here