Home Wararka Somaliya Muqdisho oo Shir uga Furmay Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada

Muqdisho oo Shir uga Furmay Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada

0

Waxa maanta ka ka furmay magaalada Muqdisho kulan ay isku yimaadeen Wasiiradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Soomaaliya. Shirkaan ayaa diirada lagu saaraya arrimaha horumarinta dhaqaalaha, hannaanka Maaliyadda Dalka, sharuudaha deyn cafinta iyo mideynta canshuurta Dalka.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo si rasmi ah shirka u furay, ayaa sheegay in uu muhiim yahay shirkaan ay isagu yimaadeen Wasiiradda Maaliyadda Federaalka iyo heer Dowlad Goboleed.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in inta shirkaan uu socdo ay doodooda diirada ku saari doonaan arrimaha mudnaanta u leh Horumarinta Dhaqaalaha Dalka, mideyn hannaanka canshuuraha, dhamaystirka sharuudaha barnaamijka Deyn Cafinta.

Shirkaan Wasiiradda Maaliyadda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale looga hadli doonaa mashaariicda horumarineed ee Bangiga adduunka uu ka taageero guud ahaan Soomaaliya iyo Deeqaha Maaliyadeed.

Waxa sidoo kale shirkaan ka qeybgalaya Wasiirada Maaliyadda Dowlad Goboleedyada dalka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo masuuliyiin ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha dalka iyo masuuliyiin ka tirsan Hey’addaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ad
Previous articleAlshabaab oo Duqayn Diyaaradeed looga Dilay Inka Badan 50 Askari Xili Ay Dagaal Culus Qaadi Rabeen
Next articleWarar Dheeri Ah: Ciidanka gaaray Gaalkacyo ee Safarka Dhulka uga soo baxay Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here