Home Wararka Maanta Alshabaab oo Duqayn Diyaaradeed looga Dilay Inka Badan 50 Askari Xili Ay...

Alshabaab oo Duqayn Diyaaradeed looga Dilay Inka Badan 50 Askari Xili Ay Dagaal Culus Qaadi Rabeen

0

War saxaafadeed goordhaw kasoo baxay wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in howlgal qorsheesan lagu dilay ilaa iyo 61 xubnood oo ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab.

Howlgalkan lagu dilay xubnahan katirsan Al Shabaab fuliyay ciidanka nabadsugida Soomaaliya oo kaashanayay saaxiibada caalamka ayaa ka dhacay beero ku yaala duleedka deegaanka Xawaadlay ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Warka kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu beegsaday dagaalyahano lagu qiyaasay 150 , kuwaa oo dowladda sheegtay in ay qorsheenayeen weerar ay ku qaadaan ciidamada dowladda ee jooga deegaanka Xawaadley.

Howlgalkan ay fuliyeen ciidamada NISA ayaa sidoo kale dowladda sheegtay in lagu bur buriyay labo gaari oo ahaa nuuca Homey iyo Noah oo ay ku xireen waxyaabaha qarxa, kuwaas oo ay qorshaynayeen in ay soo galiyaan magaalada Muqdisho.

Ad
Previous articleRonaldo iyo lamaanihiisa oo Durbaba jabiyeen sharci aad u adag oo u yaallay Sacuudiga.
Next articleMuqdisho oo Shir uga Furmay Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here