Home Wararka Maanta Muqdisho oo Caawa lagu Dilay Imaam Masaajid oo caan ah

Muqdisho oo Caawa lagu Dilay Imaam Masaajid oo caan ah

0

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa caawa xaafad katirsan degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir ku dilay Sheekh Cabdicaziiz Maxamed Xirsi, oo ahaa imaamkii masaajidka Dabaqeynka ee degmada Dharkeenley.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in rag biskoolado ku hubeesan dhoor xabadood ku dhufteen imaamka masjidka caanka ah ee Dabaqeynka kaddibna goobta si degdeg ah uga baxsaday.

Ciidamada ammaanka ee ka howlgala degmada Dharkeenley ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxa ayna ciidamada halkaasi ka sameeyeen howlgalo aan lagu qaban kooxihii dilka geestay.

Ma jirto ilaa hadda cid sheegatay masuuliyada dilkan caawa loo geestay Sheekh Cabdicaziiz Maxamed Xirsi, laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaan sidoo kale ka hadlin dilka caawa ka dhacay Muqdisho.

Ad
Previous articleSweden oo Fureysa Xaruumo Dadka isdhiiba lagu Heyo ka hor inta aan go’an laga gaarin
Next articleMadaxweynaha Galmudug oo War kasoo saaray la Wareegitaanka Deegaanka Wabxo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here