Home Wararka Maanta Muhaajiriin Soomaali u badan oo ka baxay Turkiga oo lagu la’yahay xeebaha...

Muhaajiriin Soomaali u badan oo ka baxay Turkiga oo lagu la’yahay xeebaha Giriigga

0

Maraakiibta ilaalada xeebaha Giriigga ayaa baadigoob ugu yaraan lix muhaajiriin ah oo lagu la’yahay jasiiradda Leros, sida ay sheegeen saraakiisha xeebaha dalkaas oo sidoo kale baaraya shil kale oo la rumeysan yahay inuu kaas ka dambeeyay.

Booliska Dekadda ee xeebta Leros ayaa helay 49 tahriibayaal Afrikaan ah, iyada oo sidoo kale doontii ay wateen ee macmalka aheyd laga helay badda dhexdeeda, sida uu AFP u sheegay afhayeen u hadlay ilaalada xeebaha.

Dadka la badbaadiyay oo u badnaa Sierra Leone, Soomaali iyo Uganda, ayaa saraakiisha u sheegay in 55 qof ay la socdeen doonta. War kasoo baxay ilaalada xeebaha ayaa lagu sheegay in la billaabay howlgal samatabixin ah.

Waxay hawlgal labaad ka bilaabeen Pylos, oo ah meel ka baxsan xeebta koonfur-galbeed ee Giriigga, kadib markii laba markab oo ganacsi ay u gurmadeen 85 tahriibayaal ah oo la socday doon macmal ah oo dhibaato la soo deristay.

Maraakiibta ilaalada xeebaha ayaa bilaabay inay raadiyaan cid kasta oo laga yaabo in weli biyaha ku jirto, sida lagu sheegay bayaankan. Dadka la badbaadiyay ayaa la geeyay Kalamata oo ah dekedda ugu dhow.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleMadaxweyne Qoor Qoor oo kusugan jiida Hore ee Dagaalka iyo Weerar Saakay la Filaayo inlagu Qaado Ceelbuur(Sawiro)
Next articleCiidamada Macawislayda Galmudug oo Raashin La Gaarsiiiyay(Sawiro)