Home Wararka Maanta Muddo ka dib Taliyaha Cusub ee NISA maxaa la gudboon.

Muddo ka dib Taliyaha Cusub ee NISA maxaa la gudboon.

0

Taliyaha Cusub ee NISA bashiir Maxamed Jaamac Bashiir Goobe oo dhawaan R/W Rooble  ayaa Muddo 4 Maalin ah ku sugan Muqdisho asigoona La wareegin Xilka Taliyaha Nabad sugida.

Bashiir Goobe ayaa xilka la wareegitaankiisa waxuu u xayiranyahay Khilaafka Farmaajo iyo rooble  waxaana Farmaajo uu xilkaan u magacaabay Yaasiin Fareey Taliyaha Nabad sugida Gobalka Banaadir.

Afar maalin ka dib waxaa isha Lagu hayn doonaa Goorta uu xilka la wareegi doono Bashiir Maxamed Jaamac Bashiir Goobe, waxaana Wararka qaar sheegayaan in Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdullahi Maxamed Nuur uu taliyaha Geen doono Xarunta Ciidamada NISA ee Habar qadiijo.

Khilaafka  Madaxda Qaranka ayaa isha Lagu hayn doonaa Heerarka uu gaari doono iyo waxa is badali kara

 

Ad
Previous articleBooliiska Dhuusamareeb oo Gacanta ku dhigay caawa gabar La waayay Qof Damiinata
Next articleMidowga Musharaxiinta oo Bayaan culus soo saaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here