Siyaasiyiinta mucaaradka cusub ayaa xalay kulan wada-tashi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho kahor kulanka maanta ka furmaya caasimadda ee u dhaxeeya ayaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh.
“Waxaa caawa isugu nimid kulan wadatashi ah oo looga arrinsanaayo shirka berrito ka dhici doona magaalada Muqdisho. Waxaan u mahadcelineynaa Madaxweynaha DF Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo gogosha fidiyey. Waxaan rajeyneneenaa in kulanku uu noqdo mid miradhal ah,” ayuu yiri Sheekh Shariif.
Villa Somalia ayaa shalay sheegtay in ujeedka madaxweyne Xasan ee shirkan uu yahay inuu madaxdii hore ee dalka la tashi kala sameeyo oo taladooda ka dhiibtaan arrimaha masiiriga ah ee dalka ka socda, gaar ahaan arrimaha dib u xoreynta dalka, dhameystirka dib u eegista dalka dastuurka iyo guud ahaan siyaasadda dalka iyo qorshayaasha mustaqbalka soo socda ee dalku leeyahay.
Inta uu socdo shirka ayaa waxaa la iska xog wareysan doonaa xaaladda dalka, iyadoo madaxda talada dalka haysa ay dhegeysan doonaan talada madaxdii hore ee ku aaddan arrimaha masiiriga ah ee qaranka.
Shirkan ayaa waxaa uu qeyb ka yahay barnaamijka dowladda ee talo wadaagga iyo wadar oggolka gaarista go’aamada masiiriga ah ee Soomaaliya.
Shirka ayaa waxaa ka maqan madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka cudur daartay ka qeyb-galka shirka.