Home Wararka Maanta Milkiiliha Hotelka Hayat oo Beeniyay arin Halis aheed

Milkiiliha Hotelka Hayat oo Beeniyay arin Halis aheed

0

Milkiilaha Hotelka Hayat oo lagu magacaabo Cabdiqaadir Maxamuud Nuur Faatul oo wareysi siiyay laanta Afsoomaaliga ee VOA-da ayaa markii ugu horreysay ka hadlay weerarkii lagu qaaday Hotel-ka, isaga oo sheegay in ay jirto dhibaato ballaaran oo soo gaartay Hotelka oo ay ugu horreyso burbur xoogleh oo ka muuqda dhismaha.

Ugu horreyn milkiilaha Hotelka ayaa beeniyay wararka sheegaya in Hotelka ay degnaayeen ragga weerarka ku soo qaaday, isaga oo arintaas ka hadalayay waxa uu yiri “Waxa aan caddeyneynaa in aanay waxba ka jirin in Hoteelka ay degenaayeen ama Malab ku iibinayeen Dadka weerarka geystay”.

Sidoo kale waxa uu sheegay Cabdiqaadir Maxamuud Nuur Faatul oo ah milkiilaha Hotelka in aysan dajin qof aan la garanaynin kaas oo aan la haynin macluumaadkiisa “Hotelka System ayuu leeyahay sida Hotelada caalamka, waxaa jira awaamiir nala siiyay oo Hotelada dhan ay maraan, qofka marka uu Hotelka yimaado Passport-kiisa iyo Cidda keentay ayaa la xareeyaa, layskama dajiyo qof aan laga xareyn Document” sida uu yiri Ganacsade Faatul.

Ad
Previous articleFartaag oo Markii Ugu Horaysay Ka Horyimid Saaxiibkiis Axmed Madoobe
Next articleUrurka iskaashiga islaamka oo ka hadlay Qaraxii dhawaan ka dhacay Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here