Home Wararka Maanta Midowga Musharaxiinta oo ka hadlay Wakiilka Cusub ee Midowga Afrika usoo Magacaawday...

Midowga Musharaxiinta oo ka hadlay Wakiilka Cusub ee Midowga Afrika usoo Magacaawday Soomaaliya

0

Xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ayaa waxaa ay soo dhaweeyeen ergeyga gaar ah ee Midowga Africa ay u soo magacaabeen Soomaaliya, kaas oo lagu Magacaabo John Dramani Mahama, isla markaana ah Madaxweynihii hore ee dalka Ghana.

Qoraal ka soo baxay Midowga Musharixiinta ayaa waxaa lagu sheegay in ay uga mahad celinayaan Midowga Afrika dadaalada ay wadaan ee ah dhismaha nabadeed ee ka socda guud ahaan dalka, kaas oo Midowga Afrika uu taageerayo.

”Waxaan uga mahadcelineynaa Midowga Afrika taageerada joogtada ah ee ay siiyaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaana dadaallada dhismaha nabadeed ee ka socda guud ahaan dalka. Waxaan ku rajo weynahay in ergayga cusub uu si dhakhso leh oo dhab ah ula macaamili doono dhammaan daneeyayaasha arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya, waxaan ka rajo qabnaa inuu ka shaqeeyo kala guur habsami leh iyo dhaqan galinta heshiiskii 17-kii Sebtember  ayaa lagu yiri” qoraalka Midowga Musharixiinta.

Sidoo kale Midowga Musharixiinta ayaa waxaa ay sheegeen inay si buuxda ula shaqeyn doonaa ergeyga iyo kooxdiisa, iyaga oo codsaday in daneeyayaasha kale si lamid ah ula Shaqeeyaan , sidoo kalena ay ku ganacsan yihiin magacaabista Mr. Babatunde.

Qoraalka Midowga Musharixiinta oo ku qoran luuqa English-ka ayaa waxaa eedeyn loogu jeediyay La-taliyaha sare ee siyaasada kooxda dhexdhexaadinta Midowga Afrika, waxaana Midowga Afrika ay ka dalbadeen in ay dib u eegis ku sameeyaan mas’uulkan.

Muqdisho oo Laga Ambabixiyay Ciidan ka tirsan Booliska oo ku Wajahan Jiidaha Dagaalka:- Sawiro

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo uu wehliyo Taliye ku xigeenka Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed ayaa Magaalada Muqdisho ka sagootiyey Ciidamo Boliiska katirsan oo ku

Madaxweyne Xasan Shiikh oo la kulmay hogaanka howlgalada ciidanka Cirka ee Somaliya :- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Hoggaanka Howlgallada Ciidamada Cirka Soomaaliyeed ayaa ka dhagaystay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan

Dowlada Somaliya oo Lagu Wareejinayo Diyaaradaha Turkiga ee Bayraktar Akıncı

Somalia ayaa heli doontaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar Akıncı ee casriga ah ee Turkiga si ay uga caawiyaan Ciidanka Xoogga dalka dagaalka ka dhanka ah Alshabaab. Akıncı waxay

Lacagta Dollarka Mareykanka oo Wajaheysa Hoos u Dhicii ugu Xumaa ee Taariikhda

Dollarka Mareykanka ayaa wajahaya hoos u dhicii ugu xumaa tan iyo sanaddii 2008-da, iyadoo ay sii kordhayso welwelka ku saabsan in siyaasadaha dhaqaalaha iyo arrimaha dibadda ee aan la saadaalin

Dowlada Mareykanka oo Sabab u Noqotay Xil ka badelka lagu Sameeyay Wasiirka Gaashaandhigga

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa isku shaandheyn iyo is beddel ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa Wasiiradda, waxa uuna xilka ka qaaday kana saaray meesha labo Wasiir,
Ad
Previous articleWar deg deg ah: Gantaalkii Shiinaha oo Dhulka kusoo dhacay
Next articleDad ku dhaw 10 ruux oo ku geeriyooday Muqdisho ka dib Markii uu soo dumay………