Home Wararka Maanta Midowga Musharaxiinta oo ka hadlay Doorashada Soomaaliya

Midowga Musharaxiinta oo ka hadlay Doorashada Soomaaliya

0

Golaha Midowga Musharixiinta ayaa warsaxaafadeed kasoo saaray xaaladda Soomaaliya gaar ahaan dib u dhaca ku yimid Jadwalka Doorashooyinka oo ay ku heshiiyeen Golaha Wadatashiga Qaranka May 2021.

Goluhu ayaa welwel ka muujiyay dhaqangal la’aanta Jadwalka habraaca u ah qabsoomidda doorashooyin dhammeystiran sida Labada Gole ee Baarlamaanka 11-aad, Guddoonkooda & Madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya.

“Golaha Midowga Musharixiinta waxa uu welwel & Walaac xooggan ka muujinayaa dib u dhaca Doorashada oo sababi karta firaaq ku yimaada hay’adda Dalka, taas oo saameyn karta Amniga & Dhaqaalaha” ayaa lagu yiri Xaanshida Golaha Midowga Musharixiinta.

Musharixiinta ayaa Golaha Wadatashiga qaran u soo jeediyay in uu meesha ka saaro caqabadaha hortaagan in la dhammeystiro Doorashooyinka oo haatan tan Aqalka Sare BFS laga doortay 48-Senator oo ah 54-Xubnood uu ka kooban yahay dhismaha Aqalkaas.

Ad
Previous articleDagaal u dhaxeeyay Ciidamada Milateriga oo Muqdisho ka soconaya
Next articleDhageyso Codka: Axmed Fiqi oo ka hadlay Xaalada Galmudug arinta Ahlu-suna iyo Go’anka Qoor Qoor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here