Home Wararka Maanta Midowga Musharaxiinta oo diiday Fariin kaga Timid Farmaajo

Midowga Musharaxiinta oo diiday Fariin kaga Timid Farmaajo

0

Madaxweynayaashi hore ee dalka, Madaxweynaha Hirshabelle, Musharax Madaxweyne C/qaadir Cosoble iyo Senator Muuse Suudi oo ku kulmay hoyga Xasan Sheekh ee Mirinaayada ayaa ka wada hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, dhaq dhaqaaqyada ka socda Caasimadda Muqdisho iyo arrinta muddo kordhinta.

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa gaarsiiyay Madaxweynayaashii hore farriin uu ka waday Madaxweyne Farmaajo oo ahaa codsi ku saabsan inuu la kulmo Midowga Musharraxiinta, si ay uga wada hadlaan xaalada taagan.

Kulankii xalay dhex maray Madaxweyne Farmaajo, Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle ayaa looga hadlay khilaafka ka taagan muddo kordhinta, iyadoo Farmaajo dalbaday in isaga iyo Musharaxiinta ka wada hadlaan arrintan.

Qaar ka mid ah Musharaxiinta oo durba warkan gaaray ayaa laga soo xigtay in aysan aqbaleyn kulanka Madaxweyne Farmaajo uu ka dalbaday inta uu ku adkeysanayo muddo kordhinta sharci darada ah.

Caawa ayaa la filayaa in Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle ay wadajir dalabkaas ugu gudbiyaan Musharaxiinta.

Ad
Previous articleXildhibaano ka Soo jeeda Galmudug oo Taageeray Farmaajo waxayna Weerar ku qaadeen Siyaasiin caan ah
Next articleAkhriso Midowga Musharixiinta oo Sharuud ku xiray Kulanka Farmaajo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here