Home Wararka Somaliya Midowga Musharaxiinta iyo guddiga Doorashada oo kulan ku leh Muqdisho

Midowga Musharaxiinta iyo guddiga Doorashada oo kulan ku leh Muqdisho

0

Waxaa haatan oo hoteelka Jasiira ee Magaalada Muqdisho uu kulan uga socdaa Midowga Musharixiinta Madaxweynaha oo uu kamid yahay musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle & Xubnaha Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ee uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Maxamed Xasan Ciro, kaas oo ay kala hadlayaan arrimaha doorashooyinka.

Kulanka oo ah mid wadatashi ah ayaa waxaa diirada sigaar ah loogu saarayaa walaaca ay Midowga musharixiinta ka muujinayaan hanaanka ay ku bilawdeen doorashooyinka Aqalka sare iyo in laga hortago in doorashada Aqalka Hoose ay la mid noqoto sida mida Aqalka Sare.

Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle oo kamid ah Midowga Musharixiinta ayaa kulanka goobjoog ka ah, waxaana labada dhinac ay is dhaafsanayaan talooyin ku aadan qabsoomida doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo in doorashooynka ay noqdaan kuwo xur iyo xalaal ah.

Xubnaha Midowga Musharixiinta oo kulanka shalay uga furmay Hotelka Jasiira ayaa waxaa ay kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaan Ra’iisul Wasaare rooble, Madaxda dowlad Goboleedyada & Beesha Caalamka.

Ad
Previous articleMaxaa ka jira in C/rashiid janan oo Mucaaradka isku dhibay
Next articleRa’isul Wasaare Rooble oo Masar ku wajahan iyo xogta Safarka Ra’isul Wasaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here