Home Wararka Somaliya Maxaa ka jira in C/rashiid janan oo Mucaaradka isku dhibay

Maxaa ka jira in C/rashiid janan oo Mucaaradka isku dhibay

0

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in C/rashiid Janan uu xill habeenimo ah ka guuray guri uu degenaa oo ku dhow Xarunta Nabadsugida, halkaasoo ay ku ilaalin jireen Ciidanka Nabadsugida.

Wararka ayaa intaa ku daraya in C/rashiid Janan uu ku sugan yahay mid ka mid ah guryaha Siyaasiyiinta Mucaaradka.

Xiisad ayaa laga soo sheegayay in maalmihii la soo dhaafay ka jirtay degmada Doolow ee Gobolka Gedo, halkaasoo dhaq dhaqaaqyo ka wadeen maleeshiyada taabacsan C/rashiid Janan.

C/rashiid Janan ayaa sanado gudahood sameeyay is bedelo dhowr ah oo labada dhinac ee isku haya siyaasadda ugu kala wareegay, iyadoo marna dowladda Federaalka ka soo baxsaday, marna isku dhiibay, waxaana ugub ah inuu hadda Mucaaradka saldhigooda yahay Muqdisho u galay una magangalyo doontay.

Ad
Previous articleMidowga Musharaxiinta oo Shir Soconaya Maalmo uga Furmay Muqdisho
Next articleMidowga Musharaxiinta iyo guddiga Doorashada oo kulan ku leh Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here