Home Wararka Maanta Midowga Afrika oo sheegay in uu ka xun yahay diidmadii Soomaaliya ee...

Midowga Afrika oo sheegay in uu ka xun yahay diidmadii Soomaaliya ee Ergayga

0

Midowga Afrika ayaa muujiyey sida uu uga xun yahay go’aanka Soomaaliya ay ku diiday magacaabistii madaxweynihii hore ee Ghana John Mahama oo ahaa wakiilka sare ee Soomaaliya.

Horaantii bishaan, Soomaaliya ayaa diiday magacaabista Mahama iyadoo ku doodeysa in madaxweynihii hore ee dalka Ghana uu xiriir ballaaran la leeyahay Kenya, oo Soomaaliya ay kala dhaxeyso khilaaf siyaasadeed.

Sida laga soo xigtay Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Maxamed Cabdirasaaq, Mahama wuxuu xiriir dhow la lahaa shaqsi aan la magacaabin oo ka tirsan hoggaanka Kenya sidaa darteedna aan loogu tashan doonin inuu noqdo dhex-dhexaad.

Soomaaliya ayaa warqad u qortay Gudoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat oo ay ku wargalisay in ay taageero u haynin shaqada cusub ee Mahama.

“Waxaan muujineynaa sida ay uga xun tahay go’aanka ay qaadatay dowladda Soomaaliya, iyadoo diiday magacaabista H.E. Mr John Dramani Mahama, isagoo ah Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya. Waxaan ku boorrinaynaa Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika inuu sii wado wadahadalka uu la leeyahay DFS si loo xalliyo khilaafka jira isla markaana uu warbixin uga siiyo Golaha sida loogu dhaqaaqayo la macaamilka siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Golaha Amniga (PSC) ayaa lagu yiri bayaanka.

Mahama waxaa laga filayey inuu la shaqeeyo daneeyayaasha Soomaaliya si loo gaaro tanaasul la wada oggol yahay oo loo dhan yahay oo ku aaddan qabashada doorashooyinka Soomaaliya muddada ugu yar ee ugu macquulsan.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleMadaxweyne Qoor Qoor oo ka qeyb galay Shirka Wadatashiga Doorashada
Next articleMeydkiisa oo la helay Ganacsade lagu weysanaa Magaalada Nairobi ee Kenya