Home Wararka Maanta Midowga Afrika oo ka shiraya Xaalada Soomaaliya.

Midowga Afrika oo ka shiraya Xaalada Soomaaliya.

0

Maanta oo Khamiis ah taariikhduna ku beegan tahay 22/4/2021 ayaa waxaa lagu wadaa inĀ  Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika ay shir xasaasi ah ka yeeshaan arrimaha Soomaaliya, maadaama weli doorashada Soomaaliya ay ka taagan tahay khilaaf xoogan.

Midowga Afrika ayaa waxaa uu qaadan doonaa door hoggaamineed oo ku saabsan xal u helida xaalada cakiran ee siyaasadeed, waxaana shirkan uu daba socdaa kadib markii Golaha Ammanka ee Qaramada Midoobay ay dalbadeen in Arrimaha Soomaaliya loo daayo Midowga Afrika.

Xubnaha Midowga Afrika ayaa Ā waxaa la filayaa in shirkooda ay kusoo Ā magacaabaan Ā Ergey cusub oo dhex dhexaadiya saamileyda siyaasadeed ee Soomaaliya, si xal looga gaaro khilafka xoogan ee weli ka taagan doorashada Soomaliya.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa malmo ka hor waxaa uu booqasho ku tegay dalka Koongo, isaga oo Madaxweynaha dalkaas oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Midowga Afrika in uu dhex-dhexaadiyo hoggamiyeyaasha Soomaalida.

Beesha Caalamka ayaa dadaal xoogan waxaa ay gelineysaa in xal laga gaaro xaalada cakiran ee ka taagan Soomaaliya, taas oo sii xoogeysatay kadib markii 12-kii Bishaan Xildhibaannada Golaha Shacabka ay muddo kordhin u sameeyeen Hayā€™adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo

NISA oo faah faahin ka bixisay duqeymo 24 kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay Shabeelooyinka

War ay soo saartay Hay'adda NISA ayaa lagu sheegay in Howlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidamada Xoogga dalka ay

Dowladaha Itoobiya iyo Israaā€™iil oo iska Caawinaya la dagaalanka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta

Dowladda Israaā€™iil ayaa Itoobiya ka codsatay inay iskaashi ka sameeyaan la dagaalanka argagixisada Bariga Dhexe iyo Afrika, iyagoo argagixisada ku tilmaamay cadow ay wadaagaan labada dal. Shir jaraaā€™id oo ay

Nin Qof Shacab ah Dilay oo lagu Qabtay Magaalada Hargeysa

Booliiska Somaliland ayaa Khamiistii soo qabtay nin lagu eedeynayo inuu qof kale ku dilay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa. Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidanka Booliiska ayaa lagu

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa
Ad
Previous articleHoobiyaal Maanta Lagu garaacay Xaafado ka ag dhaw Madaxtooyada {Sawiro}
Next articlePuntland oo war culus ka soo saartay Doorashada Soomaaliya