Home Wararka Maanta Midowga Africa oo ka Hadlay Khilaafka Raysulwasaare Rooble iyo Madaxweyne Farmaajo

Midowga Africa oo ka Hadlay Khilaafka Raysulwasaare Rooble iyo Madaxweyne Farmaajo

0

Midowga Afrika ayaa sheegay iney ka walaacsan yihiin khilaafka siyaasadeed u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat ayaa Madaxda ugu sarreysa dalka in xiisadda siyaasadeed ee ka dhaxeysa ay ku soo gabagabeeyaan wadahadal.

“Waxaanu ku baaqayaa in la sii wado wada-xaajoodka iyo wada-hadalka u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha, si xal siyaasadeed loogu helo xaaladdan taagan” ayuu yiri Guddoomiye Faki.

Waxa uu sheegay in midowga Afrika uu sii wadayo taageerada uu siiyo dowlada Somalia

“Midowga Afrika ayaa mar kale ballan qaaday in uu sare u qaadi doono taageerada uu siinayo nabad waarta iyo siyaasadda xasilloon ee Soomaaliya”.ayuu yiri Moussa Faki Mahamat

Midowga Afrika ayaa ka mid ah ururda dowladda Soomaaliya ka taageera arrimaha Amniga, iyada oo ay hoostagaan ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM ee dalka jooga.

 

Ad
Previous articleMaamulka gobalka Hiiraan oo Sheegay inay Soo Afjareen Dagaalki Baladweyne
Next articleDowlada Soomaaliya oo Sheegtay inay Lacag Cusub soo saarayso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here