Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Mid ka mid ah Mucaaradka Dowlada oo Goordhow Xildhibaan loo Doortay

Mid ka mid ah Mucaaradka Dowlada oo Goordhow Xildhibaan loo Doortay

0

Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa maanta lagu qabtay doorashada kursi ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo ay deegaan doorashadiisu tahay HirShabelle.

Kursigan oo uu tirsigiisu yahay Hop#031 ayaa waxaa kusoo baxay Yuusuf Xuseen Axmed (Gama’diid) oo horey ugu fadhiyey kursiga.

Sida uu shaaciyey guddiga SEIT ee HirShabelle xildhibaan Yuusuf ayaa ku soo baxay hab gacan taag ah, kadib markii uu tartanka ka tanaasulay Aadan Cabdiraxmaan Yuusuf oo la tartami lahaa.

Gama’diid ayaa ah Xoghayaha Guud ee Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo haatan ka mid ah Golaha Midowga Musharixiinta  Mucaaradka.

Ninkan oo sidoo kale ah wasiiru dowlaha wasaaradda cadaaladda xukuumada Soomaaliya ayaa markii hore wajahay culeys xoogan, isaga oo ugu dambeyn ka gudbay, dibna u hantiyey kursigii uu ku fadhiyey Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Guusha Yuusuf Xuseen Axmed (Gama’diid) iyo doorashadiisa ayaa qayb ka ah kuraas ay xubnaha musharixiinta mucaaradka ka heleen magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliyaoo Shaacisay Wadamada ay Tagi Karaan Soomalida Dagaalka Ukrain Ka Carartay
Next articleDowlada Soomaaliya oo war kasoo Saaratay Dagaal Culus oo ka Dhacay Degmada Xudur

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here