Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Dowlada Soomaaliya oo war kasoo Saaratay Dagaal Culus oo ka Dhacay Degmada...

Dowlada Soomaaliya oo war kasoo Saaratay Dagaal Culus oo ka Dhacay Degmada Xudur

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar qorsheysan oo saaka xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay ku qaadeen qaybo ka mid ah degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, waxaana xigay dagaal culus oo foolka fool ah.

Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab iska caabin xoogan ay kala kulantay ciidamada dowladda ee ku sugan degmadaasi, kuwaas oo dagaal kula galay halkaasi.

Taliyaha ururka 175-aad, guutada 9-aad ee ciidanka Xoogga dalka Maxamed Sankuus oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inay jab xoogan gaarsiiyeen dagaalyahanada Al-Shabaab, isla-markaana ay ka dileen illaa 3 xubnood, kuwa kalena ay ka dhaawaceen.

Sankuus ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay ka carartay meydadka saddexda nin, isla-markaana ay kusoo bandhigeen degmada Xudur oo ah meesha uu dagaalku ka dhacay.

Ad
Previous articleMid ka mid ah Mucaaradka Dowlada oo Goordhow Xildhibaan loo Doortay
Next articleSarkaal sare oo Ka Tirsanaa Ahlusuna Waljaamaca iyo Ciidamo uu wata oo isku Soo Dhiibay Ciiidamada Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here