Xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan oo loo yaqaano Nuux oo ahaa Habdhowraha Golaha Shacabka ayaa ku soo baxay kursiga #HOP274 oo doorashadiisa ka dhacday Beledweyne.
Maxamed C/llaahi Xasan Nuux ayaa la doonayay in lagu bedelo Sarkaal NISA ka tirsan oo lagu magacaabo C/risaaq Eritariyaan oo ahaa ninkii hayay malafka Ciidankii la geeyay Eritrea.
Hase ahaatee Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen oo saaxib dhow la ah Nuux ayaa ku hagoogtay.
isla markaana si usoo saaro wuxuu miiska dul-saaray inuu kursiga Xildhibaannimo dhaafiyo Guddoomiye kuxigeenkii 1aad C/weli Muudey oo Fahad Yaasiin uu daneynayay in laga reebo iyo nin kale oo NISA ka tirsanaa oo Xildhibaanimo ugu soo saaray oo lagu magacaabo Aweys.
Wararka ugu Danbeeyay ee Maanta
Ad