Home Wararka Maanta Meydadka muhaajiriin doonayay in ay galaan Qaarada Yurub oo lasoo saaray

Meydadka muhaajiriin doonayay in ay galaan Qaarada Yurub oo lasoo saaray

0

Waxaa sii kordhaya muhaajiriinta Afrikaanka u badan ee ku dhimanaya biyaha badda Mediterranean-ka , kuwaa oo doomanka ay saaran yihiin la xumaadeen xilli ay doonayeen in ay galaan dalka Talyaaniga.

Ciidamada badda ee dalka Tunisia ayaa maanta oo isniin ah badda kasoo saaray meydadka muhaajiriin gaaraya 31-qof, kuwaa oo la sheegay in ay xumaatay doontii ay saarnaayeen kuna  qarraqmeen badda .

Meydadka muhaajiriinta lasoo saaray ay ku jiraan haween iyo carruur ayaa laga helay xeebaha Sfax, Kerkennah ee dalka Tunisia, waxaana wali socda baadigoob ciidamada badda Tunisia ugu jiraan in ay helaan meydadka dad kale oo la tuhmayo in ay dhinteen.

Muhaajiriin badan oo ka baxay xeebaha dalka Tunisia ayaa dhintay bilihii lasoo dhaafay xilli ay doonayeen in ay galaan Talyaaniga, waxaana wali socda muhaajiriinta halista u galaya sidii mar un cagtooda u dhigi lahaayeen qaarada Yurub.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Oo Odayaasha Beesha Gaaljecel Kala Hadlay Sidii Shabaab Looga Saari Lahaa Deeganadooda
Next articleXasan Shiikh oo kulan La Qaatay Wasiir Albert Shingiro(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here