Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Oo Odayaasha Beesha Gaaljecel Kala Hadlay Sidii Shabaab Looga Saari...

Madaxweyne Xasan Oo Odayaasha Beesha Gaaljecel Kala Hadlay Sidii Shabaab Looga Saari Lahaa Deeganadooda

0

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah aqalka madaxtooyada kula yeeshay Odayaal ka socotay beesha Gaaljecel oo uu hormuud u ahaa Ugaaska guud ee beesha Gaaljecel Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Uabdulaahi Ugaas Muxumad.

Sida wararku sheegayaan, kulanka oo ahaa mid ay albaabada u xirnaayeen waxaa diirada lagu saaray dhowr qodob oo ay ugu muhiimsaneyd sidii beesha door muuqata uga qaadan leheyd dagaalka Shabaab ka dhanka ah, si gaar ah sidii kooxda furin dagaal looga furi dhanka Jubaland oo ay beesha deegaano dhowr ah ka degto.

Odayaasha ayaa soo dhaweeyay baaqa madaxweynaha, iyagoo balanqaaday iney abaabuli doonaan dadka deegaanka iyo ciidanka beeshooda, si ay Shabaab uga saaraan deegaanada beeshaasi ka dagto Jubaland oo ay kamid tahay duleedyada magaalada Kismaayo.

Kulanka waxaa sidoo kale looga hadlay tabashooyin beeshan ay ka qabto xuquuqo uga maqan dowladda oo ay xilal ku jiraan iyo in deegaanadooda Hiiraan aan Shabaab laga saarin, taasoo madaxweynaha balanqaaday in si hoose loo eegi doono.

Arrintan ayaa timid kadib markii madaxweynaha Jubaland uu si cad u diiday in Kun askari oo ciidamadii laga keenay Eritrea la geeyo Kismaayo, dowladda ayaa qorsheyneysa iney qaado guluf Shabaab looga saarayo gobolka Jubbada Dhexe, iyadoo la dhinac marayo Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayey siyaasiyiin iyo saraakiil deegaankaasi ah ku dhaliileen inuusan diyaar u eheyn in la qabto gobolka Jubbada Dhexe oo dhamaantiisba ay Shabaab maamusho, taasoo ay sabab uga dhigayaan iney hoos u dhaceyso saameyntiisa.

Ad
Previous articleHub iyo Dharka Ciidamada milatariga oo lagu qabtay hoteel ku yaallo Muqdisho Xili Howlgal Culus uu socdo
Next articleMeydadka muhaajiriin doonayay in ay galaan Qaarada Yurub oo lasoo saaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here