Home Wararka Maanta Maydka Maxamed Saxardii oo ugu Danbayn laga Helay Magaalada Marburg

Maydka Maxamed Saxardii oo ugu Danbayn laga Helay Magaalada Marburg

0

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa meydka muwaadin Soomaaliyeed oo laga helay goob laga raaco Tareenada oo ku taala magaalada Marburg ee dalka Jarmalka.

Muwaadinkan oo lagu magacaabo Maxamed Saxardiid ayaa la sheegay inuu jiiray Tareen, lama ogase inuu tareenka isku dhigay iyo inuu si caadi ah u jiiray shil ahaan.

Shacabka magaalada Marburg ayaa ku wargeliyay booliska meydka muwaadinkan waxeyna wadaan baaritaano la xiriirta waxa sababay geerida ninkan Soomaaliga ah.

Marxuum Saxardiid ayaa kamid ahaa dadka magan galyo doonka ah ee dhawaan galay dalkaasi, waxeyna booliska tageen halka uu ku noolaa, iyagoo su’aalo weydiiyay dadkii ay aqoonta isu lahaayeen.

Si kastaba, Wadanka Jarmalka ayaa Soomaalida ku nool waxaa lagu qiyaasaa iney gaarayaan  ilaa 60 kun oo qof sida ay muuinayaan tirakoobyo qiyaas ah oo laga sameeyey dalkaasi

Ad
Previous articleCali Cosoble oo War kasoo Saaray Xilka Qaadistii lagu sameeyey iyo Falcelin Xoogan oo Ka Dhalatay
Next articleCaro iyo dibadbax ka dhashay dhimashada wiil yar oo shidaal lagu bilbilay kadibna dab la qabadsiiyey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here