Home Wararka Maanta Cali Cosoble oo War kasoo Saaray Xilka Qaadistii lagu sameeyey iyo Falcelin...

Cali Cosoble oo War kasoo Saaray Xilka Qaadistii lagu sameeyey iyo Falcelin Xoogan oo Ka Dhalatay

0

Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle, Cali Cabdullaahi Cosoble oo qoraal soo saaray ayaa ka hadlay xilka qaadistii lagu sameeyay guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan, Cali Jayte Cismaan oo uu xalay xilka ka qaaday madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle oo wareegto soo saaray.

Cali Cosoble ayaa soo dhoweeyay xilka qaadista lagu sameeyay Cali Jayte, wuxuuna hambalyo u diray guddoomiyaha cusub ee la magacaabay, Cabdullahi Sufurow.

Sidoo kale wuxuu ugu duceeyay inuu Eebbe u fududeeyo mas’uiliyadda culus ee loo igmaday, maadaama ay hortaallo shaqo adag.

“Hambalyo Mudane Cabdullahi Sufurow guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan. Allah kuu fududeeyo xilka culus ee lagu saaray” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cali Cosoble.

Intaas kadib ayaa waxaa qoraalkan falcelin ka sameeyay dadweyne kala duwan oo uu ka mid yahay Farxaan Axmed oo isticmaala baraha bulshada, kaas oo ku eedeeyay Cosoble iyi Dabageed inay ka dambeeyeen tallaabada xilka looga qaaday gudoomiyihii hore ee Hiiraan.

“Adiga iyo Dabageed waa ku guuleysateen Jayte xilka in laga qaado” ayuu falcelintiisa ku yiri Farxaan Axmed.

Cali Cosoble oo u jawaabay Farxaan ayaa shaaca ka qaaday in kursiga uusan aheyn dhaxal, sidoo kalena Jayte uusan ku imaan doorasho, sidaas daraadeedna xilka laga qaadi karo.

“Jayte kursiga dhaxalna kuma helin, doorashana kuma imaan. Waa loo dhiibay, waana laga qaaday” ayuu mar kale yiri madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka HirShabelle.

Tallaabada xilka looga qaaday Jeyte ayaa ah mid lama filaan ah maadaama uu kaalin xooggan oo muuqata ku lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, oo inta badan maleeshiyada looga saaray gobolka Hiiraan.

Dhowaan Cali Jayte ayaa sheegay in qorshaha cusub ee wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab uu ka gedisan yahay midkii wejiga koowaad la tijaabiyay ee kacdoonka shacabka, kaasi oo kooxda Al-Shabaab looga xoreeyay deegaano horleh.

Cali Jeyte ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in qorshaha dagaalka uga harayo madaxda sare ee dalka, maadaama laga leexday nidaamkii uu hore ugu guuleystay wejiga koowaad ee dagaalka Al-Shabaab, ee ahaa kacdoon dadweyne.

Ad
Previous articleMasuulkii ugu horeeyay ee Mareykan ah oo booqasho ku tagay Shiinaha kudhawaad muddo 5 sano ah
Next articleMaydka Maxamed Saxardii oo ugu Danbayn laga Helay Magaalada Marburg

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here