Home Wararka Maanta Maxuu yahay Heshiiska Madaxweyne Farmaajo uu la gelayo Eritrea

Maxuu yahay Heshiiska Madaxweyne Farmaajo uu la gelayo Eritrea

0

Senator Cumar Cabdrashiid Cali Sharmaake oo  laba jeer Soomaaliya kasoo noqday Ra’iisul Wasaare ayaa ka digay heshiis uu sheegay in uu u dhaxeeyo, Eritrea, Itoobiya iyo Soomaaliya .

Cumar Cabdirashiid oo Qoraal soo dhigay Bartiisa ayaa waxaa uu sheegay in heshiiskaas oo ah amni iyo difaac uu yahay arrin khatar keeni karta oo u baahan fiiro gaar ah.

“ Heshiiska la isla dhex marayey oo ku saabsan Amniga& Difaaca oo dhexmara Eriteriya, Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa noqon kara arrin khatar keeni karta oo fiiro gaar ah u leh Sababta oo ah adeegsiga aan dhamaadka lahayn ee waaxda amniga, waxay noqonaysaa walaac daran ayuu yiri” Senator Cumar Cabdrashiid.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Senator Cumar Cabdrashiid in noqoneyso walaac aad u daran haddii dowladda waqtigeeda dhamaaday isku daydo inay heshiis noocaas ah ku saxiixdo Addis Ababa.

Hadalka Senator Cumar Cabdrashiid Cali Sharmaake ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli maalmihii la soo dhaafay warar soo baxayay ay sheegayeen inuu jiro shir Addis Ababa ku dhex mari doono madaxweynaha Ereteruya Isaias Afwerki, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kaalmada Caruurta ee Sweden oo hoos u dhacday Mudo 50 sano ah

Xisaabaadka cusub ayaa muujinaya in qiimaha masruufka carruurta (Barnbidrag) ee Iswiidhan uu hoos ugu dhacay heerkii ugu hooseeyay muddo nus qarni ah, marka la xisaabiyo qiimo joogto ah. Qiimaheeda dhabta

Mareykanka oo diiday maalgelinta Qaramada Midoobay ee Ciidamada Midowga Afrika Ee Soomaaliya

Mareykanka ayaa si cad u diiday inuu taageero qorshaha Qaramada Midoobay ee lagu maalgelinayo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM, kuwaas oo ka howlgala Soomaaliya. Tallaabadan ayaa dhalisay walaac

Dowlada Mareykanka oo Yareeneysa Awooda Safaaradiisa Muqdisho iyo Xiritaanka Safaarado kale

Dowladda Maraykanka ayaa qorshaynaysa in ay xidho ku dhawaad 30 safaaradood iyo qunsuliyadood oo ay ku leedahay waddamada caalamka, sida ku xusan dhukumeentiyo ay heshay CNN oo ay diyaarisay Waaxda

Raisal Wasaare Xambe Bare oo lagu Wareejiyay 25 kamid ah Maxaabiista Somaliland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa la wareegay 25 maxbuus oo kasoo jeeda Somaliland, kuwaas oo lagu qabtay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool, sida lagu sheegay warmurtiyeed

Magaalada Muqdisho oo Rasi ah looga bilaabay Diiwaangalinta Doorasho Qof iyo Cod

Waxaa maanata magaalada Muqdisho si rasmi ah uga bilaawday diiwaangalinta cod bixiyayaasha oo ah talaabadii ugu dambeysay ee ka harsanayd bilaabashada doorashada qof iyo codka ah ee golayaasha deegaanka. Guddoomiyaha
Ad
Previous articleWafdi ka socday Dowladda imaaraadka Carabta oo Loo diiday inay ku degaan Garoon ku yaala Gobalka Mudug
Next articleMadaxtooyada Soomaaliya oo u jawaabtay Sanater Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke