Home Wararka Somaliya Galmudug Wafdi ka socday Dowladda imaaraadka Carabta oo Loo diiday inay ku degaan...

Wafdi ka socday Dowladda imaaraadka Carabta oo Loo diiday inay ku degaan Garoon ku yaala Gobalka Mudug

0

Wararka naga soo gaaraya  magaala xeebeeedka Garacad ee gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi maanta laga hor istaagay inay ku degto garoon ku yaal  diyaarad sidda wefdi ka socday dowladda isutagga Imaaraadka Carabta.

Dadka degaanka ayaa waxaa ay ku warrameen in maleeshiyaad dadka degaanka ah oo is abaabulay ay la wareegeen Garoonka diyaaraha isla markaana ay diiddeen diyaaradda sidday wefdiga  Imaaraadka oo ay ku jiraan mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Puntland in ay halkaasi ka degto.

Sidoo kale Dadka deegaanku waxaa ay sheegeen in ay saaka magaalada ku arkeen ciidamo badan oo kuwa Badda Puntland ah, waxaana weli la cadeyn ujeedka wafdiga ka socday Imaaraadka u tegei lahaayeen Magaalada Garacad ee Gobolka Mudug.

Qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka magaala xeebeeedka Garacad ayaa waxaa ay wadaan dadaalo lagu xalinaayo arrintan, iyada oo weli aysan ka hadlay Xukuumadda Puntland.

Ad
Previous articleAlshabaab oo ku Goodisay in ay Weerari doonaan Wadanka Jabuuti
Next articleMaxuu yahay Heshiiska Madaxweyne Farmaajo uu la gelayo Eritrea

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here