Home Wararka Somaliya Puntland Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo xukun ku riday 6 ruux

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo xukun ku riday 6 ruux

0

Maxkamada darajada 1aad  ee Gobolka Nugaal Puntland ayaa Maanta waxaa ay xukun ku riday 6 rag ah, kuwaas oo lagu soo qabtay inay ka ganacsanayeen maandooriyaha Khamriga.

Raggaan ayaa Maxkamadeyntooda waxaa ay soo martay heerar kala duwan, waxaana lagu soo qabtay howlgal laga sameeyay Guri kuyaalla Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Raggaan oo ay soo eedeyaay xeer ilaalinta Maxkamadda ayaa waxaa lagu kala xukumay min 5 sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed, sida uu ku dhawaaqay mid kamid ah garsoorayaasha Maxkamada darajada 1aad ee Gobolka Nugaal.

Bilihii la soo dhaafay ayaa Maamulka Puntland waxaa ay dagaal kula jireen dadka ka Ganacsada maandooriyaha Khamriga, waxaana howlgallo laga sameeyay magaalooyinka Garoowe & Gaalkacyo lagu soo qabtay Dad ka Ganacsada maandooriyaha khamriga.

Ad
Previous articleHaweenay Alshabaab xariir la leh oo lagu xiray Wadanka Kenya
Next articleGalmudug oo Gargaar gaarsiisay Barakacayaal ku sugan Duleedka Dhuusamareeb {Sawiro}

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here