Home Wararka Maanta Haweenay Alshabaab xariir la leh oo lagu xiray Wadanka Kenya

Haweenay Alshabaab xariir la leh oo lagu xiray Wadanka Kenya

0
Haweeney looga shakisan yahay inay xiriir la leedahay kooxda Al-Shabaab ayaa fiidnimadii Talaadadii lagu xiray deegaanka Tinderet, ee gobolka Nandi.

Sida uu sheegay agaasimaha waaxda dambi baadhista, George Kinoti, askarta bilayska ee fadhigoodu yahay saldhiga Soghor ayaa xabsiga u taxaabay haweenaydan.

“Haweeneydu waxay u sheegtay dambi-baarayaasha inay Soomaaliya ku sugnayd laba sano, iyadoo sheegtay in ay Alshabab ka afduubteen deegaanka Kilifi, sannadkii 2019,” sidaas waxaa yiri dambi baare George  Kinoti.

Booliiska Kenya ayaa sheegay in haweenaydu ay qiratay in la baray xirfado ku saabsan maaraynta hubka, afduubka, isticmaalka walxaha qarxa iyo sidoo kale xirfado kale.

Laamaha dambi baaristu waxay sheegeen in tuhmanaha la sheegay in ay ka qayb gashay dhoolatuska qoritaanka askarta cusub ee milatariga Kenya, ee dhawaan la soo gebagabeeyey.

Xarigeeda ayaa imaanaya maalmo kadib markii madaxweynaha Kenya uu amar ku bixiyay in amaanka guud ahaan la adkeeyo kadib weerarkii argagixiso ee ka dhacay dalka Uganda oo dad badan ay ku dhaawacmeen.

Dawladdu waxay sidoo kale kula talisay Kenyanka inay feejignaadaan gaar ahaan marka ay ku sugan yihiin meelaha dadku ku badan yahay iyadoo loo eegayo khataraha argagixisanimo ee firfircoon.

Ad
Previous articleSweden oo ku Dhawaaqday Sharciyo Cusub oo ku aadan Dadka Safarka ka imaanaya
Next articleMaxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo xukun ku riday 6 ruux

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here