Home Wararka Maanta Maxkamada Galgaduud oo Maanta la Horgeeyay Eed loo haysto eedaysane Cisman Ciise...

Maxkamada Galgaduud oo Maanta la Horgeeyay Eed loo haysto eedaysane Cisman Ciise Afrax (Sawiro)

0

Xafiska xeer-ilaliyaha Guud Ee Dowlad Gobaleedka Galmudug ayaa Maxkamada Gobolka Galgaduud horgeeyay eed lidi ku ah eedaysane Cisman Ciise Afrax oo Tr: 6-12-2020 dil ugu gaystay Deegaanka Godinlabe Marxuum Daahir Cabdulle Cabdi.

kuxigeenka Xeer-ilaliyaha Guud ee DGG C/xakiin Maxamad xirsi ayaa Maxkamadda usoo bandhigay Cadayma muujinaya in uu dil bareer ah gaystay Cisman Ciise Afrax una gaystay Marxuum Daahir Cabdulle asaga oo joga goobtiisa shaqada.

Xafiiska Xeer-ilaalinta ayaa sidoo kale Maxkamadda horkeenay Marqaatiyaal goobjoog ahaa iyo baarihii kiiska.

Ad