Home Wararka Maanta Maxkamada Ciidamada oo amartay in la soo qabto dadkii Galkacyo ku dilay...

Maxkamada Ciidamada oo amartay in la soo qabto dadkii Galkacyo ku dilay Sheikh Cali dheere

0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Isniin ah shaacisay Magaca qofkii ka dambeeyay dilkii 17/5/2021 loogu geystay tuulada Xero-Jaale ee duleedka Magalada Gaalkacyo Sheekh Cali Axmed Faarax ( Sheekh Cali Dheere) oo ahaa Maamulaha Guud ee jamciyadda Imaam Nawawi ee gobolka Mudug.

Xeerilaaliye Ku xigeenka Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Muumin Xuseen Cabdullaahi ayaa sheegay in guddi Saraakiil baarayaal ah oo ka socda Xeer ilaalinta maxkamadda & CID-da loo diray degaanka uu dilka ka dhacay , isla markaana cadeymaha dilka ay ka qoreen dad markhaatiyaal ah.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in baaritaan kadib dilka Marxuum Sheekh Cali Axmed Faarax ( Sheekh Cali Dheere) uu ku cadaaday in uu ka dambeeyay Dable Cabdixakiin Cabdisalaan Aadan oo ka tirsan Saldhiga Booliska Gaalkacyo.

Waxaa sidoo kale uu sheegay Xeerilaaliye Ku xigeenka Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Muumin Xuseen Cabdullaahi in dilka ay gacan ku siiyeen Askariga eedeysanayaasha kala ah, ina Saciid Cabdi Xidig & ina baalbaal, kuwaas oo dilka kadib u baxsaday dhanka degmada Galodogob ee Gobolka Mudug.

Ugu dambeyn Xeer ilaaliye Ku xigeenka Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Muumin Xuseen Cabdullaahi ayaa sheegay in guddiga baarista Galdacwadeedkan ay soo saareen.

1: In Hay’adaha amniga Maamulada Puntland & Galmudug inay soo qabtaan eedeysanayaasha sare ku xisan, iyaga oo fulinaya Amarka Maxkamadda Ciidamada.

2: Hadii eedeysanayaasha aysan Maxkamadda hor-imaan ama aan la soo qaban muddo laba Bilood gudahood ah in Xafiiska Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada uu  u gudbin doonaan Maxkamadda Ciidamada qalabka sida Galdacwadeedka eedeysanayasha, lana bilaabi doono dhageysiga kiiskooda lana xukumi doono, iyaga oo maqan.

3: In sidoo kale Guddiga ay u soo baxday in Saraakiisha Booliska ee qeybta Gobolka Mudug & Xafiiska la dagaalanka Argagaxisada ay sameeyeen waajib gudasho la’aan la xiriira dhacdadaan lagana qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

Puntland oo Sheegtay in Xasan Shiikh uu u haray Hal Sano iyo Bar kana soo bixidoono Villa Soomaaliya

Maamulka Puntland ayaa mar kale shaaciyay inuu halkiisii yahay mowqifka ay kaga soo horjeedaan dowladda Federaalka Soomaaliya, inta laga helayo isbeddel iyo garowshiiyo ka yimaada madaxda dowladda Federaalka. Wasiirka Warfaafinta

Barlamaanka Somaliya oo maanta meel mariyay Hindise Sharciyeedyo muhiim ah

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay laba hindise sharciyeed oo kala ah hindise sharciyeedka shirkadaha caymiska iyo hindise sharciyeedka sharciga hay’adaha maaliyadda. Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa

Dowlada oo ka hadashey Duqeymaha uu Imaaraatka ka Fuliyo Puntland

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo wareysi siinayay BBC-da laanteedi Afka Soomaaliga ayaa ka hadlay doorka Dowladda Imaaratka Carabta iyo Duqeymaha dhowaanahaan ay ka geesanaysay Buuraha Calmiskaad ay ka

Weerarkii hoteel Qaahira ee magaalada Baledweyne oo lasoo Afjaray 24 Saacadood Kadib

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa saqdii dhexe ee Xalay soo afjaray weerar qaatay in ka badan 15 saacadood oo ay xubno ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen waabargii hore ee shalay

Dowlada Somaliya oo Xirtay Dhamaan Website-yada Xiriirka lalahaa Kooxda Shabaab

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xirtay ilaa iyo 12 warbaahin, nooca mareegaha ah oo ay Al Shabaab lahaayeen, iyadoo horay dowladdu ugu guuleysatey xiritaanka in ka badan 30 bar mareeg
Ad
Previous articleFaah Faahin Ku saabsan Qarax Caawa ka dhacay Muqdisho
Next articleBoliiska Soomaaliya iyo Kuwa Dowlad Gobaledyada oo Lagu wareejiyay Goobaha Doorashada