Home Wararka Maanta Maxkamad ku taalla Nigeria oo diiq ku xukuntay gowrac

Maxkamad ku taalla Nigeria oo diiq ku xukuntay gowrac

0

Maxkamad ku taal dalka Nigeria ayaa mulkiilaha diiqii qeylada badnaa u qabatay ilaa Jimcaha inuu gowraco ka dib markii ay ka cawdeen qaylo daran oo deriska saameysay, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Maxkamad ku taal waqooyiga magaalada Kano ayaa ku dhawaaqday Diiqu inuu dhib ku hayo xaafadda maadaama uu si aan kala joogsi lahayn u ciyey oo ay laba qof oo deris ahi sheegeen inuu hurdadii ka joojiyay, sida ay ku warrantay shabakadda wararka ee Premium Times.

Mid ka mid ah dadka deriska la ah oo lagu magacaabo Yuusuf Muxamed, ayaa maxkamadda u sheegay in cida saa’id ka ah ay xadgudub ku tahay xaqa uu u leeyahay hurdo nasasho leh.

Isyaku Shu’aibu ayaa maxkamada u sheegay in uu diiqan uu usoo iibiyay ciida jimcaha wanagsan uuna codsaday in lasiiyo ilaa maalinta masiixiga fasaxa masiixiga.

Garsooraha Maxkamadda Xaliimo Wali waa ay aqbashay codsiga Talaadadii balse waxa ay uga digtay in uu ka ilaaliyo Diigaaga in uu dhex mushaaxo deegaanka oo uu dadka arbushaad ku sameeyo, sida ay ku dartay Daily Trust.

Milkiilaha ayaa sidoo kale lagu amray inuu hubiyo inuu gowraco diiqan maalinta jimcaha sida uu balan qaaday ama uu wajihi doono ciqaab.

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Dagaal saaka ka Dhacay magaalada Laascaanood
Next articleTaliye Shub oo Markale Xil Culus loo magacaabay Maantay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here