Home Wararka Maanta Maxay Tahay Shuruudaha DFS ay ku xirtay Banaanbaxa Mucaaradka ?

Maxay Tahay Shuruudaha DFS ay ku xirtay Banaanbaxa Mucaaradka ?

0

Xukuumadda Soomaaliya ayaa war kasoo saartay dibad-baxa mucaaradka ee la qorsheynayo inuu Sabtida ka dhaco magaalada Muqidisho.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe oo la hadlay BBC-da ayaa shaaca ka qaaday in dibad-baxa lagu heshiiyey uu dhacayo, balse lagu xiray labo shuruud oo kala ah in dadka dibadbaxa imaanaya ay kala fogaadaan iyo inay soo qaataan af-xirka, si looga hortago faafista cudurka faafa ee Coronavirus oo mar labaad soo laba-kacleeyey.

“Dibadbaxa lasoo codsaday oo ah kii laga heshiiyay xaley…labo shurudood oo kaliya ah ayaa ku xiran oo qabanqaabiyeyaashii dibadbaxu ay horey u sheegeen labadaa qodob inay diyaar u yihiin waa marka koowaad ee in dadka dibadbaxa imaanaya ay kala fogaadaan iyo inay soo qaataan afsaar labadaa shurudood ayaa muhiim ah, labadaa shurudood marka la fuliya dibadbaxa Sabtida waa la ogolaaday,” ayuu yiri wasiir Cismaan Abuukar Duube.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay muhiim tahay in la dhaqan-geliyo awaamiirta dowladda ee lagu xakameynayo cudurka saf-marka ah ee Coronavirus.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo xukuumadda Soomaaliya & Midowga Musharraxiinta ay heshiis ka gaareen arrinta dibad-baxa, kadib wada-hadallo ka dhacay hoteelka Decale.

Muqdisho oo Laga Ambabixiyay Ciidan ka tirsan Booliska oo ku Wajahan Jiidaha Dagaalka:- Sawiro

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo uu wehliyo Taliye ku xigeenka Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed ayaa Magaalada Muqdisho ka sagootiyey Ciidamo Boliiska katirsan oo ku

Madaxweyne Xasan Shiikh oo la kulmay hogaanka howlgalada ciidanka Cirka ee Somaliya :- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Hoggaanka Howlgallada Ciidamada Cirka Soomaaliyeed ayaa ka dhagaystay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan

Dowlada Somaliya oo Lagu Wareejinayo Diyaaradaha Turkiga ee Bayraktar Akıncı

Somalia ayaa heli doontaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar Akıncı ee casriga ah ee Turkiga si ay uga caawiyaan Ciidanka Xoogga dalka dagaalka ka dhanka ah Alshabaab. Akıncı waxay

Lacagta Dollarka Mareykanka oo Wajaheysa Hoos u Dhicii ugu Xumaa ee Taariikhda

Dollarka Mareykanka ayaa wajahaya hoos u dhicii ugu xumaa tan iyo sanaddii 2008-da, iyadoo ay sii kordhayso welwelka ku saabsan in siyaasadaha dhaqaalaha iyo arrimaha dibadda ee aan la saadaalin

Dowlada Mareykanka oo Sabab u Noqotay Xil ka badelka lagu Sameeyay Wasiirka Gaashaandhigga

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa isku shaandheyn iyo is beddel ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa Wasiiradda, waxa uuna xilka ka qaaday kana saaray meesha labo Wasiir,
Ad
Previous articleWeriye Muddo u xirnaa Puntland oo xukun Lagu riday.
Next articleDhageyso:- Ex Madaxweyne Xasan Sheekh oo dowladda uga digay in la carqaladeeyo banaanbaxa