Home Wararka Maanta Maxay ka wadahadleen Xasan Sheekh iyo Erdogan oo teleefoon ku xiriiray

Maxay ka wadahadleen Xasan Sheekh iyo Erdogan oo teleefoon ku xiriiray

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Turkiga Reccep Tayib Erdogan ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xiriirka iskaashiga ee ka dhexeeyay labada dal iyo arrimaha gobolka kadib ay ku xiriireen teleefoon, sida ay sheegtay madaxtooyada Soomaaliya.

Waxay ka wada hadleen “heshiis ku saabsan xoojinta iskaashiga iyo saaxibtinimada labada dal’

Turkiga wuxuu sii wadi doonaa dadaallada uu Soomaaliya uga taageerayo xoojinta amniga iyo xasiloonida dalka ayuu yiri Erdogan, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee dowladda Turkiga, Anadolu.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horraantii bishii hore booqasho ku tegay dal uu kamid yahay Turkiga oo ay ku heshiiyeen xoojinta arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo ganacsiga.

 

 

Ad
Previous articleAlshabaab oo Gubay Tuulooyin Badan oo Hoosyimaado Degmada Matabaan Kadib Duqayntii Shalay
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Laashin Hussein Moordoon oo Goordhow La Dilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here