Home Wararka Maanta Maxay Ka Wada Hadleen Wafdi Maraykanka ee Soo Gaaray Hargaysa iyo Muuse...

Maxay Ka Wada Hadleen Wafdi Maraykanka ee Soo Gaaray Hargaysa iyo Muuse Biixi(Sawiro)

0
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabilay Jeneral Stephen Townsend, Taliyaha Taliska Ciidammada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM), oo maanta soo gaaray magaalada Hargeysa ee caasimada maamulkaas.
Jeneral Townsend, oo ah sarkaalkii ugu sarreeyey Ciidammada Maraykanka ee soo booqda Somaliland ilaa iyo 1991-kii, waxa ku wehelinayey booqashadiisa Safiirka Maraykanka, Larry André, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Maraykanka.

Madaxweyne Biixi ayaa uga mahad-celiyey wafdiga safarka ay ku yimaadeen Somaliland, isagoona u sheegay inay soo dhawaynayaan iskaashiga dhinacyada Amniga iyo Militriga ee labada dal ee Somaliland iyo Maraykanka.

Intii uu socday kulanka labada dhinac ku dhex-maray Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Cigaal ee magaalada Hargeysa, waxa uu madaxweyne Biixi ku sifeeyay booqashada Jeneral Stephen inay tahay horumar muhiim ah oo laga sameeyay xiriirka labada dhinac.

“Booqashada Jeneral Stephen Townsend waxay tahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca adkaynta seeska iskaashiga ka dhexeeya Somaliland iyo Maraykanka, waxaanay ka turjumaysaa in bog cusub u furmay xidhiidhka labada dhinac,” ayuu yiri.

“Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland waxa ay qayb laxaad leh ka qaataan ilaalinta marin-biyoodka muhiimka ah ee Badda Cas, taas oo ay faa’iido weyn ku qabaan dhammaan dalalka oo dhan.”

Waxay dhankooda si wada-jira u soo dhaweeyey hadalka Madaxweynaha Jeneral Townsend iyo Safiirka Maraykanka, Larry André, iyagoo sheegay inay dhinacooda diyaar u yihiin iskaashiga dhinacyada Amniga iyo Militriga ee labada dhinac.

“Iskaaashi iyo wada-shaqayn intan ka xoogan, kana weyn oo dhex-marta Somaliland iyo Taliska Ciidammada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) waxa uu kor u qaadi karaa nabad-gelyada iyo ammaanka biyaha Badda, waxaanu caawinayaa ganacsiga iyo kobcinta dhaqaalaha Bariga Afrika”.

Wafdiga ayaa intii booqashada ku joogeen Somaliland, Jeneral Stephen Townsend iyo Danjire Larry André waxay booqasho ku tageen Dekedda Berbera iyo Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee magaalada Berbera, kuwaas oo labadoodaba dhawaan dhisme ahaan la ballaadhiyey, lana casriyeeyey si kor loogu qaado tayada adeegga dhaqaalaha, arrimaha bini-aadannimada iyo baahiyaha amni ee Somaliland, dalalka ay saaxiibka yihiin iyo gobolka intaba.

Booqashada Taliyaha Taliska Ciidammada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa waxaa la fahamsan yahay inay daba socoto booqashadii taariikhiga ahayd ee Madaxweyne Muuse Biixi ku tagay Maraykanka bishii March, 2022 iyo sahankii Taliska Ciidammada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ay ku yimaadeen Berbera bishii August ee sannadkii hore.

 

Liiska Wadamada laga Mamnuucay Galitaanka Dalka Mareykanka oo lasoo Bandhigay

Sida ku xusan qorshe ay diyaarisay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee liiska casaanka ah, Mas'uuliyiinta dalkaasi ayaa qorsheynaya inay adkeeyaan sharciyada gelitaanka muwaadiniinta dhowr waddan oo Carbeed, sida ay sheegtay

Magaalada Berbera Wiil Dhallinyaro ah oo Jaceyl Dartiis Dab isku Qabadsiiyay

Wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Berbera ee Somaliland ayaa dab is qabadsiiyay, kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo gabadh uu jacayl ka dhexeeyay Jimcihii shalay.

4 Qof oo ugu geeriyootay Xanuun aan la ogeyn Gobolka Karkaar ee Puntland

Wararka ka imaanaya Degmada Rako Raaxo oo ka tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dilaacay Xanuun safmara oo aan weli la aqoonsan si deg deg

Maxaa Keenay cabsida laga qabo in uu Dagaal ka dhex qarxo Itoobiya iyo Ereteriya?

Kadib muddo dhowr sano ah oo laga nastay xurguftii muddada dheer ka dhexaysay Itoobiya iyo Ereteriya, mar kale dhinacyada ayaa isku hub urursanaya, iyada oo laga cabsi qabo in dagaal

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo
Ad
Previous articleQalbidhagax oo Muqdisho lagu Soo Dhaweeyey Xili Axada Doorashada Madaxweyne La Qabanaayo
Next articleRaysulwasaare Rooble oo Qaabilay Qalbi Dhagax Calankana Huwiyay(sawiro)