Home Wararka Maanta Maxamed Aadan Gaduudow oo Dil Toogasha ah Lagu Xukumay kadib Dilkii uu...

Maxamed Aadan Gaduudow oo Dil Toogasha ah Lagu Xukumay kadib Dilkii uu ugaystay Marxuum Saciid Xasan Shiiqow

0

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku ridday Maxamed Aadan Maxamed Cali (Gaduudow) oo lagu helay dilka AUN Marxuum Saciid Xasan Shiiqow, kaas  29-kii April ee sanadkan ka dhacay xerada Agoonta ee Ciidamada Boliiska Soomaaliyeed.

Marxuum Saciid Xasan Shiiqow ayaa xilligaas afur u soo raadsaday xerada agoonta Boliiska oo Raashin lagu qaybinayay, balse ku dhintay rasaas uu furay Maxamed Aadan Gaduudow oo ka mid ah ciidamada Xoogga, gaar ahaan Ururka 143-aad ee Guutada 14-ka October.

25-kii May ee sanadkan ayay eedeysanaha ciidamada amniga ku wareejiyeen xafiiska xeer ilaalinta, isla xilligaasi ayuu garsoorka ciidamada Ogolaaday in Xabsiga Dhexe loo gudbiyo.

Sidoo kale baaris dheeraad ah oo ay wax uga waydiiyeen xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida, maragyadii goob joogga u ahaa dhacdadan iyo Ehellada Marxuumka kadib, Billowgii Bishaan ayaa Xafiiska laga Ogolaaday fadhigii ugu horreeyay Ee Maxakamad Qaadista Dable Maxamed Aadan Maxamed Cali Gaduudow oo ka tirsan Ciidamada Xoogga.

Dhankiisa Qareenka u doodayay eedeysanaha ayaa Maxkamadda ka codsaday in laga Qaado Magta Marxuumka Maadaama Uu Qiraal yahay.

Ugu dambeyn maxkamadda oo fadhiya kala duwan ka yeelatay kiiskan ayaa ku xukuntay Maxamed Aadan Maxamed Cali (Gaduudow) dil toogasho  oo ah Qisaasta Marxuumka, sida uu dhinacyada dacwadda u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muunin.

Ad
Previous articleFaahfaahin Qarax ka dhacay Degmada Afgooye iyo khasaaraha Ka Dhashay
Next articleMagaalada Nairobi oo lagu laayey Toban nin oo hubeysan (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here