Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Faahfaahin Qarax ka dhacay Degmada Afgooye iyo khasaaraha Ka Dhashay

Faahfaahin Qarax ka dhacay Degmada Afgooye iyo khasaaraha Ka Dhashay

0

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in qaraxa uu ahaa miino, isla-markaana lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ee ka howlgala magaaladaasi.

Qaraxa ayaa ka dhacay suuqa qudaarta ee magaaladaasi, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Ugu yaraan 2 qof oo uu mid ka mid ah askari yahay ayaa ku dhintay qaraxaas, halka qofka kale uu ahaa shacab, sidoo kale waxa ay dhaawacyo ay soo gaareen saddex kale oo labo ka mid ah ay yihiin askar ka tirsan ciidamada, halka ruuxa saddexaadna uu yahay shacab.

Ad
Previous articleSri Lanka oo yeelatay madaxweyne cusub kadib markii uu cararay madaxweynihii hore
Next articleMaxamed Aadan Gaduudow oo Dil Toogasha ah Lagu Xukumay kadib Dilkii uu ugaystay Marxuum Saciid Xasan Shiiqow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here