Home Wararka Maanta Maxaad kala socotaa Fateexada ay dhexda ka galeen Gudigii dhawaan Ra’isul Wasaaruhu...

Maxaad kala socotaa Fateexada ay dhexda ka galeen Gudigii dhawaan Ra’isul Wasaaruhu Magacaabay (Akhriso)

0

Guddigii Ra’iisul Wasaaraha u saaray kala shaandheynta xubnihii cabashada laga keenay ee ku jiray Guddiga doorashada lagu muransanaa ayaa ku lug yeeshay fadeexo ku aadan inay sii daayeen xubno shaqaale rayid ahaa oo ku jiray 67 xubnood ee la soo eedeeyay.

Guddigan uu hoggaaminayay C/llaahi Carab oo ah Saaxibka Ra’iisul Wasaaraha ayaa la kulmay cadaadis kaga yimid Taliyaha NISA oo u sii daayay xubnaha laga keenay cabashada ee ku jiray Guddiga doorashada lagu muransanaa.

Xubinta aan la bedelin ayaa lagu magacaabaa Yoonis Xasan Xuseen (Yoonis Alifow) oo ku jira Guddiga doorashada Dowlad Goboleedka Hirshabelle, kaasoo ka mid ahaa shaqaalaha Rayidka, kana soo shaqeeyay Madaxtooyada Villa Somalia, balse markii dambe u wareegtay hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha oo uu Guddoomiye Kuxigeen ka noqday.

Ninkan ayay horay u soo eedeeyeen Guddiga Shaqaalaha Rayidka inuu labo Mushaar qaadanayay, isla markaana magdhaw lacageed lagu soo rogay inuu bixiyo mid ka mid ah mushaarkii uu qaadanayay oo gaarayay 6,352 dollar.

 

Puntland oo Sheegtay in Xasan Shiikh uu u haray Hal Sano iyo Bar kana soo bixidoono Villa Soomaaliya

Maamulka Puntland ayaa mar kale shaaciyay inuu halkiisii yahay mowqifka ay kaga soo horjeedaan dowladda Federaalka Soomaaliya, inta laga helayo isbeddel iyo garowshiiyo ka yimaada madaxda dowladda Federaalka. Wasiirka Warfaafinta

Barlamaanka Somaliya oo maanta meel mariyay Hindise Sharciyeedyo muhiim ah

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay laba hindise sharciyeed oo kala ah hindise sharciyeedka shirkadaha caymiska iyo hindise sharciyeedka sharciga hay’adaha maaliyadda. Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa

Dowlada oo ka hadashey Duqeymaha uu Imaaraatka ka Fuliyo Puntland

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo wareysi siinayay BBC-da laanteedi Afka Soomaaliga ayaa ka hadlay doorka Dowladda Imaaratka Carabta iyo Duqeymaha dhowaanahaan ay ka geesanaysay Buuraha Calmiskaad ay ka

Weerarkii hoteel Qaahira ee magaalada Baledweyne oo lasoo Afjaray 24 Saacadood Kadib

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa saqdii dhexe ee Xalay soo afjaray weerar qaatay in ka badan 15 saacadood oo ay xubno ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen waabargii hore ee shalay

Dowlada Somaliya oo Xirtay Dhamaan Website-yada Xiriirka lalahaa Kooxda Shabaab

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xirtay ilaa iyo 12 warbaahin, nooca mareegaha ah oo ay Al Shabaab lahaayeen, iyadoo horay dowladdu ugu guuleysatey xiritaanka in ka badan 30 bar mareeg
Ad
Previous articleAgaasimihii Nabad sugida iyo Sirdoonka Puntland oo Geeriyooday
Next articleXukuumadda Soomaaliya ayaa Galmudug ku wargalisay in si Deg Deg ah ay ku soo Magacaabaan Guddiga Laga sugayo ee Doorashada