Home Wararka Maanta Maxaad ka taqaanaa gabadha kaliya ee Soomaaliyeed ee DJ ka ah Nairobi?

Maxaad ka taqaanaa gabadha kaliya ee Soomaaliyeed ee DJ ka ah Nairobi?

0

Nasra Xasan, gabar dhallinyaro ah oo ku nool Nairobi waa gabadha kaliya ee Soomaaliyeed ee ku shaqaysa xirfadda DJ ee isku dubaridida music ga goobaha xafladaha.

Markii ay la kulanto haween doonaya in ay munaasabado dhigtaan way u riyaaqaan, waxay waydiiyaan taleefankeeda iyaga oo ka codsada in ay DJ ka noqto xafladooda.

“Aroosyada qaar oo waxaa jirta kaligeey DJ iyo kaamira aan isku qabanaayo, sababtoo ah qof kale oo I caawinaya malahan, wiilalna looma ogola” ayay tiri Nasra.

Balse fursadaan ay Nasro heshay caqabad ayay ku noqotay rag badan oo shaqadaan horay ugu jiray, waxayna bilaabeen in ay ka hor istaagaan shaqada.

Waxay noo sheegtay in ragga oo shaqadaan isasiiyay ay marar badan dib ula xiriiraan macaamiisheeda, iyaga oo u sheega qiimo ka jaban kii ay kula heshiisay, taas oo sababta in ay dib u fakaraan dadka munaasabadda qabsanayay, go’aankoodana badalaan.

Mar kale waxay sheegtay in ay laaluush siiyeen rag hubaysan, kadibna la xiray, muddana ay xabsiga ku jirtay. Dhacdooyinkaan iyo kuwa la mid ah oo badan oo xirfadaan darteed u soo gaaray ayaa ka niyad jabiyay shaqadeeda marar badan.

“Aniga maraan ka fariistay [shaqadaan], sanad camal. Marka qof isoo wacaba waxaan dhihi jiray waan mashquulsanahay.” ayay tiri Nasra.

Balse mar dambe ayay ku soo noqtay suuqa, waxayna go’aan ku gaartay in ay wajahdo caqbadaha qaar.

Nasra waxay inta badan u shaqeysaa aroosyada Soomaalida, markii aan wareysaneynay waxaan kula kulanay aroos ay lahaayeen lamaane Soomaaliyeed, ka soo qayb galayaashu waxay dhamaantood ahaayeen haween oo kaliya. Waxaad dareemi kartaa markii ay joogto goob nuucaan oo kala ah xiriirka kala dhaxeeya haweenka, iyo sida ay ugu kalsoon yihiin in ay haystaan qof dumar ah oo shaqadaan u qabta.

Soomaalida oo u badan dadka dhaqanka ku adag ayaan jeclayn in raggu ay soo galaan kulamada ay haweenka oo kaliya qabsadaan, waxay u egtahay in tani xitaa ay fursad u noqotay haweenka Soomaaliyeed.

Marar badan Nasra waxaa u yimaada gabdho da’yar sideeda oo kale kuwaas oo u sheega in ay shaqdeeda oo kale jecel yihiin.

“Gabdhaha qaarkood way iyaqaanaan, qoraal ayay iisoo qoraayaan waxay dhahayaan inaan adiga camal noqonaan rabnaa…aniga waxaan dhahaa waan idin baraa, diyaar waaye”.

Ad
Previous articleMaxay yihiin shaqooyinka la siiyay ee ay ka cabanayaan Soomaali toban maalin ka hor loo qaaday Canada?
Next articleBaarlamaanka Soomaaliya Oo u Yeeray Raysulwasaare Xamse Cabdi Barre

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here