Home Wararka Maanta Baarlamaanka Soomaaliya Oo u Yeeray Raysulwasaare Xamse Cabdi Barre

Baarlamaanka Soomaaliya Oo u Yeeray Raysulwasaare Xamse Cabdi Barre

0

Guddiga joogtada Golaha Shacabka ayaa maanta u yeeray Ra’iisul Wasaare Xamse, iyagoo kala hadlay arrimaha la xisaabtanka Xukuumadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa wax laga weydiiyay hannaanka shaqo ee Xukuumadda, iyadoo Guddigu uu caddeeyay in la bilaabi doono hannaan lagula xisaabtamo oo mid mid Wasiirada loogu yeeri doono, isla markaana ay dib ka soo sheegi doonaan jadwalka loogu yeeri doono Wasiirada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo dhoweeyay tallaabadan, waxaana uu caddeeyay in Wasiirada uu ku wargelin doono arrintan, si Wasiir kasta oo loo baahdo loola xisaabtamo, heshiis kastana ay horkeeni doonaan Golaha.

Waa tallaabadii u horreysay oo dhiifoonaan ah oo uu Golaha Shacabka u qaado arrimaha la xisaabtanka Xukuumadda, kaddib muddo sanad ah oo Goluhu ahaa hurdo ku jiray.

Ad
Previous articleMaxaad ka taqaanaa gabadha kaliya ee Soomaaliyeed ee DJ ka ah Nairobi?
Next articleXafiis Dad Badan Layaab ku Noqday oo P.M Xamse Cabdi Barre Ka Daahfuray Muqdisho(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here