Labadii diyaaradood ee ugu horreyay oo ah nooca aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar Akınci ,ayaa shalay gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo ay milkiyadooda leedahay Soomaaliya.
Diyaaradaha oo ay ku xiranyihiin tiknoolajiyad horumarsan ayaa leh adkaysi ay hawada ku jiri karto masaafo dhan 24 saacadood illaa 25 saacadood. Bayraktar Akıncı waxay ku qalabaysan tahay inay qaado noocyo badan oo hub kale duwan ah oo ay ku jiraan; gantaallada riddada dheer iyo rasaasta la hagi karo sida MAM-T, MAM-L, iyo MAM-C, iyo sidoo kale bambooyinka culus ee MK-81 (110 kg) , MK-82 (230 kg), iyo MK-83 (450 kg). Waxaa kale oo ay weerarro ku fulin karta gantaallada SOM-A cruise missiles, Cirit, L-UMTAS, iyo Bozok ee la hago. Intaa waxaa inay qaadi karto gantaallada hawada sare ee Gökdoğan iyo Bozdoğan oo ka hortagi kara nooc kasta oo weerar hawada ah.
Akıncı waxay qaadi karta ugu badnaan culeys dhan 5500+ kg, waxay leedahay laba matoor oo turboprop ah oo awood u siinaya inay hawada sare u gasho joog dhan 38,039 ft oo ay ku gaari karto muddo 25 saacadood ah masaafo 7,507 km.Diyaaradan waxay ku qalabeysan tahay hannaan awood leh oo ay ku qaadi karto weerarrada elektaroonig ah ,iyadoo adeegsanaysa nidaamyada ka-hortagga, nidaamyada isgaarsiinta dayax-gacmeedka, radar hawada-ilaa-hawo iyo radar-ka-hortagga shilalka.
Muhiimada ay u leedahay Soomaaliya diyaaradan;
•Inay ku hubeysanyihiin ciidanka Soomaaliya diyaaradda Bayraktar Akınci , waxay siinaysa gacan sarreyn ay kaga gudbayaan dheelitirkii awoodda ee u dhaxeeyay ciidanka xoogga iyo kooxaha sida AS.
• Waxaa adkaanaysa inay nolal ku laabtaan koox kasta oo weerar ku qaada saldhigyada ciidanka xoogga , sabab la xiriirta masaafada deg deg leh oo goob kasta oo Soomaaliya ay ku gaari karto diyaaradan!
• Diyaaradan waxay leedahay hannaan sirdoon oo awood u siinaya ciidanka Soomaaliya inay fuliyaan howlgallo gaar ah oo ay ku beegsanayaan xubnaha sare ee AS.
• Bayraktar Akınci , waxaa kaloo ay Soomaaliya awood u siinaysa inay ilaaliso hawadeeda oo diyaaradan ayaa ka hortagi karta diyaarad walba oo soo gasha hawada Soomaaliya.
•Akınci, waxaa kaloo ay fulin kartaa howlgalo baadi goob iyo sahmin isugu jira.
• Waxayna awoodaan labadan diyaaradood inay muddo ka yar afar bilood ku burburiyaan saldhigyada AS ay ku leeyihiin gudaha Soomaaliya, haddii ay helaan gantaallada iyo xogta sirdoon ee bartilmaameedyada.
• Heli-taanka diyaaradaha waa in goob kasta oo ka tirsan Soomaaliya ay howlgallo ka fulin karaan ciidanka Soomaaliya, sababtoo ah saacadii waxay ku gaari kartaa masaafo dhan 277 km illaa inta u dhaxeysa 361 km.
Sidii ku heshay Soomaaliya diyaaradahan?
Diyaaradda Bayraktar Akınci, oo lagu qiyaaso qiimaheeda 8 milyan oo dollar , waxaa la sheegay inay dawladda Qatar bixisay lacagta labada diyaaradood ee maanta la keennay Muqdisho, taa oo ka dhigaysa Qatar , dalkii u horreyay ee Soomaaliya ku taageerra tiknoolajiyad casri ah oo lagu aadiyay waqti ay Soomaaliya baahi weyn u qabtay , marka laga soo tago qiimaha diyaaradda ay joogto 8 milyan , waxay u baahantahay ku dhawaad $10 milyan illaa $25 milyan oo ku baxaysa gantaallada ay awoodda diyaaradan inay qaado. Waxay Soomaaliya uga baahantahay si ay diyaaradan wax uga beddesho xaaladda amni gaar ahaan ciribtirka kooxda AS , miisaaniyad sannadkii ka badan 100 milyan oo dollar.
Ma aha diyaaraddii u horreyay ee aan duuliyaha lahayn oo ay Soomaaliya hesho, horey waxay ciidanka Soomaaliya u heysteen diyaaradda Turkiga uu soo saaro ee Bayraktar TB2 .
W/Q iman Jamac