Shirkan ayaa waxaa todobaadkan diiradda lagu soo saaray saddex arrimood oo kala ha:- roobabka daadadka wata ee ka da’aya dalka, amniga iyo ciribtirka kooxda Al-Shabaab.
Ugu horreyn golaha ayaa warbixin ku saabsan saameynta ka dhalatay roobabka daadadka wata, waxa ay ka dhageysteen Hey’adda Maareynta Musiibooyinka oo soo bandhigay in ku dhawaad laba malyuun oo qof ay saameeyeen roobabka iyo daadadka ka da’aya dalka.
Sidoo kale warbixinta ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in ku geeriyoodeen roobabka daadadka wata ee El-nino muwaadiniin gaaraya illaa 96 qof.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday gurmadka iyo dadaallada soconayo oo ay hurmuudka u tahay dowladda federaalka Soomaaliya.
“Xukuumadda JFS ayaa dadaal ugu jirta gurmadka dadka ay saameeyeen dadaadadku, waxa ayna ugu baaqeen hey’adaha gargaarka iyo bulshada Soomaaliyeed in la caawiyo dadka ay saameeyeen roobabku” ayaa lagu yir warsaxaafadeed kasoo baxay Golaha.
Dhanka kale, golaha wasiirada ayaa warbixino la xiriira amniga guud ee dalka iyo ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaanshaadhigga.
Ugu dambeyn ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa isna golaha warbixin ka siiyey safarkii uu ku tagey degmada Doolow ee Gobolka Gedo, waxuuna soo bandhigay baaxadda saameynta ay ku yeesheen daadadku gobolka.
Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa xaalad adag oo bani’aadanimo, taas oo ka dhalatay fatahaadaha iyo roobabka daadadka wata ee ku dhuftay koonfurta iyo bartamaha dalka.
Shirkadda dayaaradaha ee Turkish Airlines ayaa hakisay duullimaadyadeeedi caalamiga ee ay ku imaanaysay magaalada muqdisho muddo maalmo ah. Ma cadda sababta ay shirkaddu u joojisay duullimaadyadeeda, hase yeeshee wararku waxay
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisii ugu horreysay ee Congress-ka xilligii labaad ee madaxweynaha ku bilaabay isagoo ku dhawaaqay, “Ameerika way soo laabatay.” “Lix toddobaad ka hor, waxaan hor istaagay
Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa Talaadadii soo saartay digniin ku socota muwaadiniinta Mareykanka, iyadoo sheegtay in ay heshay “xog la hubo oo la xiriirta suurtagalnimada weerarro dhowaan ka dhici kara”
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya duqeymo aan kala joogsi lahayn oo xalay ka dhacay deegaanka Daarunicma oo hoos taga degmada Aadan Yabaal, taas oo argagax ku abuurtay dadka shacabka ah ee