Home Wararka Maanta Maxaa lagusii daayey hooyadan lagu tilmaamay “dilaagii ugu xumaa”?

Maxaa lagusii daayey hooyadan lagu tilmaamay “dilaagii ugu xumaa”?

0

Haweeney mar lagu tilmaami jiray “Dilaagii ugu xumaa ee Australia” ayaa la cafiyay ka dib markii cadeymo cusub ay soo jeediyeen inaysan dilin afar caruur ah oo ay dhashay.

Kathleen Folbigg ayaa 20 sano xabsi kuqaadatay ka dib markii xeerbeegtida ay ogaadeen inay dishay Caleb, Patrick, Sarah iyo Laura toban sano kahor.

Laakiin baaritaan dhowaan la sameeyay ayaa saynisyahannadu waxay rumeysan yihiin inay si dabiici ah u dhinteen caruurtaas.

Kiiskan oo 55-sano jir ah ayaa lagu tilmaamay mid ka mid ah cadaalad-xumada ugu weyneyd ee soo marta Australia.

Ilmo kastaa waxa uu si lama filaan ah u dhintay intii u dhaxaysay 1989 iyo 1999, iyagoo da’doodu u dhaxaysay 19 maalmood ilaa 19 bilood, i xeer-ilaaliyeyaashuna waxay xiligaasi ku eedaynayeen in ay iyadu dishay.

Ad
Previous articleCiidmada Danab oo Ugu Danbayn Dilay Horjooge Muumin Dheere oo mudo la Raadinaayay
Next articleAlshabaab oo Soo Bandhigtay Maydka Gaashaanle Dhexe Edward Nyororo oo ay ku dishay Buulamareer

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here