Home Wararka Maanta Ciidmada Danab oo Ugu Danbayn Dilay Horjooge Muumin Dheere oo mudo la...

Ciidmada Danab oo Ugu Danbayn Dilay Horjooge Muumin Dheere oo mudo la Raadinaayay

0

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in howlgal qorsheesan ay fuliyeen ciidamada kumaandooska Danab lagu dilay sargaal sare oo katirsanaa kooxda Al Shabaab, kaa oo la sheegay in si weyn loo baadigoobayay.

Wakaaladda wararka u faafisa Soomaaliya ee Sonna ayaa shaacisay in ciidamada Danab ku dileen deegaanka Beer-xaano oo hoostaga Kismaayo Muumin Dheere, oo ay sheegeen in uu ahaa madaxii dagaal gelinta u qaabilsanaa Al Shabaab gobolada Jubbooyinka.

Ciidamada Danab ayaa howlgalka inta ay wadeen sidoo kale la sheegay in ay dileen saraakiil iyo dagaalyahanno kale oo katirsan Al Shabaab ,kuwaa oo la socday horjooge Muumin Dheere sida Sonna baahisay.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale shaacisay in ciidamada Danab gacanta kusoo dhigeen gaari ay wateen xubnahan katirsanaa Al Shabaab ee la weeraray, waxaa sidoo kale la qabtay dagaalyahanno nool nool sida dowladda sheegtay.

Sargaalkan la dilay ayaa wakaaladda Wararka Sonna shaacisay in si weyn u doon doonayeen kuna daba jireen dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka, waxa ayna ku tilmaameen nin halis badan oo dhibaato ku hayay dadka ku dhaqan Jubbooyinka.

Ad
Previous articleGudoomiye Abshiroow oo ku Hanjabay in Xildhibaanada Qaar Mushaarka laga Jaraayo
Next articleMaxaa lagusii daayey hooyadan lagu tilmaamay “dilaagii ugu xumaa”?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here