Home Wararka Maanta Maxaa lagu Xukumay Burcadbadeedii Laga Qabtay Xeebaha Soomaaliya ee Hindiya lageeyey?

Maxaa lagu Xukumay Burcadbadeedii Laga Qabtay Xeebaha Soomaaliya ee Hindiya lageeyey?

0

Maxkamad kutaalla magaalladda Mumbai ee caasimada gobalka Maharashtra ee K/Galbeed ee dalka Hindiya ayaa shalay la soo taagay 35 muwaadiniin Soomaali ah, kuwaasi oo loo soo qabtay in ay yihiin burcad badeed markab afduub u geestay.

Eedeysanayaasha waxa ay kasoo hor muuqdeen maxkamadda magaalladda Mumbai, waxaana lagu soo oogay dacwado la xariira afduub markab iyo sidoo kale in ay halis galiyeen nolosha bad-maaxayaal.

Garsoorka Maxkamadda Mumbai waxay oggolaatay in ay ciiddanka booliska gacanta ku sii hayaan eedeysanayaasha muddo 10 maalmood, ilaa laga soo dhamaystirayo gal-dacwadeedka Kiiska loo haysto.

Eedeysanayaasha Soomaalida waxaa lagu soo qabtay iska-horimaad qaatay 40 saacadood la galeen markab dagaal oo ay ciiddanka Badda dalka Hindiya leeyihiin bishan March 15-dii.

Sanadkii 2011-kii, 120 Muwaadiniin Soomaali ah oo lagu soo qabtay hawlgalo ka dhacay badda Soomaaliya ayaa lagu maxkamadeeyey dalka Hindiya, iyadoo lagu xukumay Xabsi 7 sanno ah oo ay ku qaateen xabsiyo ku yaalla magaallada Mumbai ee dalka Hindiya.

Labo ka mid ah Burcad-baddeedaasi ayaa ku dhintay xabsi kuyaalla dalka Hindiya , halka 118-kii kale dib loogu soo celiyey dalkeenna Hooyo, kadib, markii ay dhamaysteen Xukunadii lagu riday.

Ad
Previous articleAlshabaab oo Weerar Culus ku qaaday Xera ay Daganayeen Ciidamada….
Next articleDekada Muqdisho oo Markale Lagu Qabtay Alaab Halis ku Ah Caafmaadka Dadka Soomaaliyeed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here