Home Wararka Maanta Alshabaab oo Weerar Culus ku qaaday Xera ay Daganayeen Ciidamada….

Alshabaab oo Weerar Culus ku qaaday Xera ay Daganayeen Ciidamada….

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay xalay maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidamada ATMIS ay ku leeyihiin duleedka magaalada Baraawe ee Shabeelaha Hoose.

Weerarka ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ciidamada ATMIS, gaar ahaan kuwa Uganda oo degan xerada iyo xubnihii Al-Shabaab ee weerarka ku qaaday halkaasi.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa innoo sheegay inay maqlayeen dhawaqa rasaasta iyo hub culus oo ay is weydaarsadeen labada dhinac, inta uu socday dagaalka dhex maray.

Ciidamada ATMIS ayaa lasoo wariyay in iska caabiyeen weerarka lagu soo qaaday, waxaana ugu dambeyn dib u laabtay maleeshiyadii Al-Shabaab ee beegsatay saldhiggaasi.

Kooxda oo war kasoo saartay dagaalkan waxa ay barahooda bulshada ku sheegtay inay weerartay saldhig ay leeyihiin ciidanka Uganda, ayna khasaare gaarsiisay, inkastoo aysan shaacin tiro rasmi ah.

Dhankooda ciidamada ATMIS oo kaashanaya kuwa Xoogga dalka ayaa dagaalka kadib howlgallo ay ku baacsanayaan ragga soo weeraray ka sameeyay aagga Baraawe

Ad
Previous articleItoobiya maku biiri kartaa Jaamacadda Carabta, maxayse ka faa’iideysaa Xili Dadka itoobiyaanka ah lagu Amray inay Bartaan Carabiga?
Next articleMaxaa lagu Xukumay Burcadbadeedii Laga Qabtay Xeebaha Soomaaliya ee Hindiya lageeyey?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here