Home Wararka Maanta Maxaa lagu Xukumay Burcadbadeedii Laga Qabtay Xeebaha Soomaaliya ee Hindiya lageeyey?

Maxaa lagu Xukumay Burcadbadeedii Laga Qabtay Xeebaha Soomaaliya ee Hindiya lageeyey?

0

Maxkamad kutaalla magaalladda Mumbai ee caasimada gobalka Maharashtra ee K/Galbeed ee dalka Hindiya ayaa shalay la soo taagay 35 muwaadiniin Soomaali ah, kuwaasi oo loo soo qabtay in ay yihiin burcad badeed markab afduub u geestay.

Eedeysanayaasha waxa ay kasoo hor muuqdeen maxkamadda magaalladda Mumbai, waxaana lagu soo oogay dacwado la xariira afduub markab iyo sidoo kale in ay halis galiyeen nolosha bad-maaxayaal.

Garsoorka Maxkamadda Mumbai waxay oggolaatay in ay ciiddanka booliska gacanta ku sii hayaan eedeysanayaasha muddo 10 maalmood, ilaa laga soo dhamaystirayo gal-dacwadeedka Kiiska loo haysto.

Eedeysanayaasha Soomaalida waxaa lagu soo qabtay iska-horimaad qaatay 40 saacadood la galeen markab dagaal oo ay ciiddanka Badda dalka Hindiya leeyihiin bishan March 15-dii.

Sanadkii 2011-kii, 120 Muwaadiniin Soomaali ah oo lagu soo qabtay hawlgalo ka dhacay badda Soomaaliya ayaa lagu maxkamadeeyey dalka Hindiya, iyadoo lagu xukumay Xabsi 7 sanno ah oo ay ku qaateen xabsiyo ku yaalla magaallada Mumbai ee dalka Hindiya.

Labo ka mid ah Burcad-baddeedaasi ayaa ku dhintay xabsi kuyaalla dalka Hindiya , halka 118-kii kale dib loogu soo celiyey dalkeenna Hooyo, kadib, markii ay dhamaysteen Xukunadii lagu riday.

Ad